6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay4 rugtiisa hoyaadka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay kuwa gaalooba odhan: (Qur’aan)kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle Kor ahaaye wuxuu leeyahay: “Wax la bax (ina aadamow) si aan wax kuugu bixiyo oo kuu siiyo. (ogaada) Gacanta Alle waa buuxdaa, mana saameyso wax bixinta joogtada ah habeen iyo maalinba. Soo ma aragtid in wixii uu bixiyey tan iyo intii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxba ayan ka dhimin waxa ku jira Gacantiisa, Carshigiisuna wuxuu ahaa biyo korkiisa, waxaana Gacantiisa ah miisaanka uu ku kor yeelo ama hoos yeelo (meeqaanka qofkuu doono). W.w. Al-Bukhaari.
8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.
12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida.
6. Tixgelin dhibaatooyinka la soo gudboonaada Nabiga s.c.w, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu ku gubaabiyey Nabiga inuu samir yeesho, yaqiin, sugnaan, si uusan u gabin xilka gaarsiinta Dhambaalka Alle.
13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.
18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna9 waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay (Alle) Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.
9. Waxaa loola jeedaa markhaatiyada: Malaa’igta ama Anbiyada, ama dadka dubabkooda, aragyadooda iyo maqalladooda,.
20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labalaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
31. Idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Alle, mana ogi waxaan muuqan ee qarsoon; idinmana odhanayo waxaan ahay Malag, idinmana odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu Alle ma siinayo wax khayr ah. Alle baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddaan sidaa yeelo markaas waxaan noqon ku gefay oo ku gardarrooday.
38. Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan.
42. Way la socotay (doonnidii) hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Maandhow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.
11. Magaca wiilkaa Nuux ee gaalka ahaa waa Kancaan, wiilashiisa mu’miniinta ahse waxay kala ahaayeen: Saam, Xaam, iyo Jabiith.
43. Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Alle cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la harqiyey.
44. Waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Allena) hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda daalimiinta ah.
12. Alle wuu oofiyey gooddigiisa inuu halligi doono gaalada, kuwaasoo diiday Dhambaalkii Nuux c.s., oo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida, wuxuuna Alle xafiday oo badbaadshay mu’miniinta.
13. Buurta Juudi ee ku taal Armiiniya oo Koonfur ka xigta Turkiya xuduudda Mesopatmia.
46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.
47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.
49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira shirkiga iyo xumaha kale).
50. Caadna (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.
57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.
64. Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow15.
15. Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Alle u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan.
70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.
17. Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato.
18. Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday.
73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.
78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Alle oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
21. Waa tilmaan dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga (khaniisnimada).
22. Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah.
89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.
93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waadse ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).
103. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamad ciddii ka cabsan Cadaabka Aakhirada, kani waa Maalin dadka la soo kulmin iyagoo dhan, waana Maalin goob joog la ahaan.
26. Macnahu wuxuu u dhacayaa inay gaaladu ku waari doonaan Naarta abadkood, halka muslimiinta caasiyaasha ah laga soo saari doono Naarta marka laga gooyo waxay denbi galeen. Aakhirana waxaa jira samo iyo arlo ku gaar ah oo ka duwan samooyinka iyo arlada adduunkan.
109. Ee ha ka Shakin (xumaanta) waxay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood kal hore, oo hubaal waanu u oofin si dhan saamigooda (Cadaabka) oo aan waxba laga dhimeyn.
112.Ee hay kuna sugnow dhabbaha toosan (ee Islaamka) sida lagu amrayba, (adiga) iyo kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Alle ee toobad keenay), hana xadgudbina. Hubaal, Alle wuu arkaa Waxaad camal fashaan.
113.Ha ka raalli noqonnina oo ha u iliinana kuwa dulmiga (shirkiga iyo xumaha) fala, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Alle sokadi awliyo, laydiinna gargaari maayo.
120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.
123. Alle baana iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaana ma aha mid moog waxaad falaysaan.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
Paieškos rezultatai:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".