Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Al-Bakara   Aja (Korano eilutė):
وَٱتَّبَعُواْ مَا تَتۡلُواْ ٱلشَّيَٰطِينُ عَلَىٰ مُلۡكِ سُلَيۡمَٰنَۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيۡمَٰنُ وَلَٰكِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ كَفَرُواْ يُعَلِّمُونَ ٱلنَّاسَ ٱلسِّحۡرَ وَمَآ أُنزِلَ عَلَى ٱلۡمَلَكَيۡنِ بِبَابِلَ هَٰرُوتَ وَمَٰرُوتَۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنۡ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَآ إِنَّمَا نَحۡنُ فِتۡنَةٞ فَلَا تَكۡفُرۡۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنۡهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِۦ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَزَوۡجِهِۦۚ وَمَا هُم بِضَآرِّينَ بِهِۦ مِنۡ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡۚ وَلَقَدۡ عَلِمُواْ لَمَنِ ٱشۡتَرَىٰهُ مَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٖۚ وَلَبِئۡسَ مَا شَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
102. Waxayna raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen [21] waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor ama nin) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Alle idmo ma’ahee. Waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Waxayna ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Alle) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.
21. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i.
Tafsyrai arabų kalba:
وَلَوۡ أَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَمَثُوبَةٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ خَيۡرٞۚ لَّوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
103. Hadday rumeeyaanna (Xaqa) oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), abaalgudka Alle baa u khayr badan, hadday ogaan lahaayeen.
Tafsyrai arabų kalba:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقُولُواْ رَٰعِنَا وَقُولُواْ ٱنظُرۡنَا وَٱسۡمَعُواْۗ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٞ
104. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha odhannina Raacinaa (na dhowre, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn oo xun) oo ahaada daacad wax maqla. Gaalada waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
Tafsyrai arabų kalba:
مَّا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَلَا ٱلۡمُشۡرِكِينَ أَن يُنَزَّلَ عَلَيۡكُم مِّنۡ خَيۡرٖ مِّن رَّبِّكُمۡۚ وَٱللَّهُ يَخۡتَصُّ بِرَحۡمَتِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
105. Kuwa gaalooba ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado (Muslimiintoy) xagga Rabbigiin. Alle wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa cidduu doono. Alle waa Kan iska leh Galladda weyn.
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Al-Bakara
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti