Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Al-Anbija   Aja (Korano eilutė):
فَجَعَلَهُمۡ جُذَٰذًا إِلَّا كَبِيرٗا لَّهُمۡ لَعَلَّهُمۡ إِلَيۡهِ يَرۡجِعُونَ
58. Markaasuu wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan).
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُواْ مَن فَعَلَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَآ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
59. Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi waa daalime?”
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُواْ سَمِعۡنَا فَتٗى يَذۡكُرُهُمۡ يُقَالُ لَهُۥٓ إِبۡرَٰهِيمُ
60. Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُواْ فَأۡتُواْ بِهِۦ عَلَىٰٓ أَعۡيُنِ ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡهَدُونَ
61. Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan [20]?.”
20. Wuxuu sidoo kale macnaha u dhici karaa: si ay markhaati iyo goob joog uga ahaadaan waxa lagu dhigo oo ciqaab ah.
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُوٓاْ ءَأَنتَ فَعَلۡتَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَا يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ
62. Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?
Tafsyrai arabų kalba:
قَالَ بَلۡ فَعَلَهُۥ كَبِيرُهُمۡ هَٰذَا فَسۡـَٔلُوهُمۡ إِن كَانُواْ يَنطِقُونَ
63. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!
Tafsyrai arabų kalba:
فَرَجَعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ فَقَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ أَنتُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
64. Markaasay dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: Xaqiiq idinkaa daalimiin ah.”
Tafsyrai arabų kalba:
ثُمَّ نُكِسُواْ عَلَىٰ رُءُوسِهِمۡ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَا هَٰٓؤُلَآءِ يَنطِقُونَ
65. Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan (21] 'oo yidhaahdeen': Waad og tahay inayan kuwakani hadlin"!
21. Kaddib markay qirteen gefkoodii, waxaa galay kibir iyo cinaad markaasay haddana ka horyimaadeen oo is rogeen.
Tafsyrai arabų kalba:
قَالَ أَفَتَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يَضُرُّكُمۡ
66. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?
Tafsyrai arabų kalba:
أُفّٖ لَّكُمۡ وَلِمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
67. “Uf baad leedihiin idinka iyo waxaad caabudeysaanba Alle sokadi. Miyeydaan wax fahmeyn?”
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُواْ حَرِّقُوهُ وَٱنصُرُوٓاْ ءَالِهَتَكُمۡ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ
68. Waxay yidhaahdeen: “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddaad (wax) falaysaan.”
Tafsyrai arabų kalba:
قُلۡنَا يَٰنَارُ كُونِي بَرۡدٗا وَسَلَٰمًا عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ
69. Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibraahiim!”
Tafsyrai arabų kalba:
وَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَخۡسَرِينَ
70. Waxay la dooneen dhagar (dhib), waxaanse ka yeelnay kuwo khasaaray.
Tafsyrai arabų kalba:
وَنَجَّيۡنَٰهُ وَلُوطًا إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا لِلۡعَٰلَمِينَ
71. Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii [22] aan u barakaynay dadka oo dhan.
22. Dhulkaa waxaa loola jeedaa arlada Shaam (oo ah: Falastiin, Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo dhulalka hareerahooda ah). Wuxuuna Alle ku barakeeyey inuu ka soo diray badi anbiyada dhulkaasi, iyo inay sidoo kale tahay dhul wanaagsan oo barako iyo khayr badan.
Tafsyrai arabų kalba:
وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ نَافِلَةٗۖ وَكُلّٗا جَعَلۡنَا صَٰلِحِينَ
72. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, waxaan ka yeelnay dhammaan kuwo wanaagsan.
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Al-Anbija
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti