Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Al-Hadždž   Aja (Korano eilutė):
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡحَقُّ وَأَنَّهُۥ يُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَأَنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
6. Arrinkani waxaa ugu wacan in Alle Xaq yahay, oo uu nooleeyo meytida, iyo inuu wax walba Karo.
Tafsyrai arabų kalba:
وَأَنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٞ لَّا رَيۡبَ فِيهَا وَأَنَّ ٱللَّهَ يَبۡعَثُ مَن فِي ٱلۡقُبُورِ
7. Iyo in Saacadda (Qiyaame) iman, shaki ku jirin, iyo in Alle soo bixin waxa ku jira qubuuraha.
Tafsyrai arabų kalba:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُجَٰدِلُ فِي ٱللَّهِ بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَلَا هُدٗى وَلَا كِتَٰبٖ مُّنِيرٖ
8. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Alle isagoon u haysan cilmi ama hanuun, ama kitaab wax ifaya.
Tafsyrai arabų kalba:
ثَانِيَ عِطۡفِهِۦ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۖ لَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞۖ وَنُذِيقُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ
9. Dadbi luquntiisa (kibir darti, lunsan) oo ka lumiya (dadka) Jidka Alle. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, Waxaana dhadhansiin Maalinta Qiyaame cadaab wax gubta.
Tafsyrai arabų kalba:
ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ يَدَاكَ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
10. Arrinkani waa sababta waxay horey u geysteen gacmahaagu (oo denbiyo ah), Allena ma aha dulmiyaha addoomahiisa.
Tafsyrai arabų kalba:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَعۡبُدُ ٱللَّهَ عَلَىٰ حَرۡفٖۖ فَإِنۡ أَصَابَهُۥ خَيۡرٌ ٱطۡمَأَنَّ بِهِۦۖ وَإِنۡ أَصَابَتۡهُ فِتۡنَةٌ ٱنقَلَبَ عَلَىٰ وَجۡهِهِۦ خَسِرَ ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡخُسۡرَانُ ٱلۡمُبِينُ
11. Waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Alle si dhinac ka joog ah1 (shaki qaba); hadduu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduun iyo aakhiraba. Kaasi waa khasaaraha cad.
1. Macnaha waa ka taagan qar diintiisa, waa qaba shaki, munaafiqnimo, ama dhoohnaan uu ka dhoohan yahay diintiisa aan dan u gelin inuu barto oo ku camal falo.
Tafsyrai arabų kalba:
يَدۡعُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُۥ وَمَا لَا يَنفَعُهُۥۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلۡبَعِيدُ
12. Wuxuu baryaa Alle sokadi waxaan wax yeeli karin waxna u tari karin, Kaasi waa habowga fog.
Tafsyrai arabų kalba:
يَدۡعُواْ لَمَن ضَرُّهُۥٓ أَقۡرَبُ مِن نَّفۡعِهِۦۚ لَبِئۡسَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَلَبِئۡسَ ٱلۡعَشِيرُ
13. Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isagaa u xun wax laga dhigto sokeeye, una xun wax laga dhigto xigaalo iyo saaxiib.
Tafsyrai arabų kalba:
إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَفۡعَلُ مَا يُرِيدُ
14. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan. Alle wuxuu Falaa wuxuu Doono.
Tafsyrai arabų kalba:
مَن كَانَ يَظُنُّ أَن لَّن يَنصُرَهُ ٱللَّهُ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ فَلۡيَمۡدُدۡ بِسَبَبٍ إِلَى ٱلسَّمَآءِ ثُمَّ لۡيَقۡطَعۡ فَلۡيَنظُرۡ هَلۡ يُذۡهِبَنَّ كَيۡدُهُۥ مَا يَغِيظُ
15. Qofkii u malayn inaanu Alle u gargaarayn (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha u fidsho wuxuun sabab ah xagga samada (hana eego inuu hor istaagi karo oo goyn karo Waxyiga Alle ku soo dejiyo Nabigiisa iyo hiilkiisa)2, markaas ha fiirsho inuu dhagartiisa ku ciil beelayo.
2. Macnaha waa ha eego in sidaasi uu kaga go’ayo gargaarka Alle Nabiga ama inuu sidaas qofkaa uu ku ciil baxayo.
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Al-Hadždž
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti