Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: An-Naml   Aja (Korano eilutė):
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ
45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya [14].
14. Nabi Saalix c.s iyo qolodiisii.
Tafsyrai arabų kalba:
قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta [15]? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?
15. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle.
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تُفۡتَنُونَ
47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti [16]; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”
16. Qaddarka iyo qadahiisa.
Tafsyrai arabų kalba:
وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٖ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
48. Waxaa magaalada [17] ku sugnaa sagaal nin [18], ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.
17. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen waxaa loola jeedaa magaalada halkan magaaladii qolodii Thamuud, waana magaaladii Al-Xijir.
18. Oo ahaa madaxdoodii iyo wiilasha ay dhaleen oo diinta colaadinayey.
Tafsyrai arabų kalba:
قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow [19]: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.
19. Midka ay saaran tahay inuu fuliyo dardaarankiisa, oo leh diyadiisa.
Tafsyrai arabų kalba:
وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا وَمَكَرۡنَا مَكۡرٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
50. Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.
Tafsyrai arabų kalba:
فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ
51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.
Tafsyrai arabų kalba:
فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.
Tafsyrai arabų kalba:
وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida).
Tafsyrai arabų kalba:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ
54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho [20] idinkoo arka [21]?
20. Faaxishah wax xille oo foolxun waxaa halkan loola jeedaa zinada iyo ficilkii qoomu luud -Falalka khaniisnimada ah, iwm.
21. Si caddaan ah, tafsiir kale waa idinkoo ogsoon inay tahay denbi weyn.
Tafsyrai arabų kalba:
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ
55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: An-Naml
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti