[1]. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda1
[2]. Qur’aanka waxaa lagu soo waxyooday af Carabi faseex ah, taasina macnaheedu ma aha in Qur’aanku uu ku gaar yahay Carabta oo keliya, ee wuxuu Alle u soo dejiyey dadka oo dhan.
[3]. Wuxuu lumiyaa kuwa diida hanuunkiisa oo ka dan la’aada oo doorta xumaha, oo wuu hanuuniyaa qof kastoo doonaya hanuunka oo jecel.
[4]. Maalmihii loogu nicmeeyey ilmahii Israa’iil. Sidoo kale waxaa lagu fasiray, wixii ku dhacay ummadihii hore hadday tahay nicmooyin ama cadaab.