Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഹജ്ജ്   ആയത്ത്:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٞ فَٱسۡتَمِعُواْ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَن يَخۡلُقُواْ ذُبَابٗا وَلَوِ ٱجۡتَمَعُواْ لَهُۥۖ وَإِن يَسۡلُبۡهُمُ ٱلذُّبَابُ شَيۡـٔٗا لَّا يَسۡتَنقِذُوهُ مِنۡهُۚ ضَعُفَ ٱلطَّالِبُ وَٱلۡمَطۡلُوبُ
73. Dadow! Waxaa la yeelay tusaale ee u dhegaysta (si wanaagsan). Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, hadduuna duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni (caabudaha asnaamta) iyo kan la dooni (asnaamta ay caabudaan).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
مَا قَدَرُواْ ٱللَّهَ حَقَّ قَدۡرِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ
74. Ma ay qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay. Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
ٱللَّهُ يَصۡطَفِي مِنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ رُسُلٗا وَمِنَ ٱلنَّاسِۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٞ
75. Alle wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ
76. Wuxuu ogsoon yahay Waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱرۡكَعُواْ وَٱسۡجُدُواْۤ وَٱعۡبُدُواْ رَبَّكُمۡ وَٱفۡعَلُواْ ٱلۡخَيۡرَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ۩
77. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin (idinkoon waxba la wadaajin cibaadada) falana khayr aad liibaantaane.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَجَٰهِدُواْ فِي ٱللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِۦۚ هُوَ ٱجۡتَبَىٰكُمۡ وَمَا جَعَلَ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلدِّينِ مِنۡ حَرَجٖۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمۡ إِبۡرَٰهِيمَۚ هُوَ سَمَّىٰكُمُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ مِن قَبۡلُ وَفِي هَٰذَا لِيَكُونَ ٱلرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيۡكُمۡ وَتَكُونُواْ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِۚ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱعۡتَصِمُواْ بِٱللَّهِ هُوَ مَوۡلَىٰكُمۡۖ فَنِعۡمَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَنِعۡمَ ٱلنَّصِيرُ
78. Kuna dadaala Arrinka Alle (xoojinta diinta Islaamka) dadaal dhab ah (idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna). Isagaa (Alle) idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Alle) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: ഹജ്ജ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക