Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അഹ്ഖാഫ്   ആയത്ത്:
۞ وَٱذۡكُرۡ أَخَا عَادٍ إِذۡ أَنذَرَ قَوۡمَهُۥ بِٱلۡأَحۡقَافِ وَقَدۡ خَلَتِ ٱلنُّذُرُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦٓ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
21. Xus (reer) Caad walaalkood9, markuu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) dhab ahaanna digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin Daran.
9. Nabi Huud c.s.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَأۡفِكَنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا فَأۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
22. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxaad noogu gooddiso, haddaad run sheegeyso.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالَ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّآ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦ وَلَٰكِنِّيٓ أَرَىٰكُمۡ قَوۡمٗا تَجۡهَلُونَ
23. Wuxuu yidhi: Alle baa ku Cilmi leh (goorta caddibaaddiinna), anigu waxaan idin soo gaarsiin Fartiinta la ila soo diray, waxaanse arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah moog (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَلَمَّا رَأَوۡهُ عَارِضٗا مُّسۡتَقۡبِلَ أَوۡدِيَتِهِمۡ قَالُواْ هَٰذَا عَارِضٞ مُّمۡطِرُنَاۚ بَلۡ هُوَ مَا ٱسۡتَعۡجَلۡتُم بِهِۦۖ رِيحٞ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٞ
24. Markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni.Ma jirto’ ee waa waxaad dalabteen in la soo dedejiyo10. Waa dabeyl leh cadaab xanuun badan.
10. Markaad ka hortimaaddeen Nabigiinna oo aad tidhaahdeen noo keen waxa aad noogu gooddisey. Eeg Aayadda 22 ee Suuraddan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
تُدَمِّرُ كُلَّ شَيۡءِۭ بِأَمۡرِ رَبِّهَا فَأَصۡبَحُواْ لَا يُرَىٰٓ إِلَّا مَسَٰكِنُهُمۡۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
25. Ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaasay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda denbiilayaasha ah.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَلَقَدۡ مَكَّنَّٰهُمۡ فِيمَآ إِن مَّكَّنَّٰكُمۡ فِيهِ وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ سَمۡعٗا وَأَبۡصَٰرٗا وَأَفۡـِٔدَةٗ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُمۡ سَمۡعُهُمۡ وَلَآ أَبۡصَٰرُهُمۡ وَلَآ أَفۡـِٔدَتُهُم مِّن شَيۡءٍ إِذۡ كَانُواْ يَجۡحَدُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
26. Waxaanu u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo laabo, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo laabahoodii, waayo waxay dafireen Aayadaha Alle, waxaana ku dhacay oo koobay waxay ku jees-jeesayeen.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَا مَا حَوۡلَكُم مِّنَ ٱلۡقُرَىٰ وَصَرَّفۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
27. Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, waxaana ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo denbiyada).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَلَوۡلَا نَصَرَهُمُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ قُرۡبَانًا ءَالِهَةَۢۖ بَلۡ ضَلُّواْ عَنۡهُمۡۚ وَذَٰلِكَ إِفۡكُهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
28. Maxay ugu soo gargaari waayeen kuway ka dhigteen Alle ka sokow ilaahyo11 si ay ugu dhoweeyaan Alle? Mayee’ way ka dhumeen, kaasina waa baadilkoodii iyo waxay been abuuran jireen.
11. Sidaad ku andacootaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അഹ്ഖാഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക