വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

Al-xujraat

external-link copy
1 : 49

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Alle iyo Rasuulkiisa [1]. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og. info

[1]. Waxaa loola jeedaa uma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Alle iyo Rasuulkiisa.

التفاسير: |