Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മാഇദ   ആയത്ത്:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قُمۡتُمۡ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ فَٱغۡسِلُواْ وُجُوهَكُمۡ وَأَيۡدِيَكُمۡ إِلَى ٱلۡمَرَافِقِ وَٱمۡسَحُواْ بِرُءُوسِكُمۡ وَأَرۡجُلَكُمۡ إِلَى ٱلۡكَعۡبَيۡنِۚ وَإِن كُنتُمۡ جُنُبٗا فَٱطَّهَّرُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُم مِّنۡهُۚ مَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيَجۡعَلَ عَلَيۡكُم مِّنۡ حَرَجٖ وَلَٰكِن يُرِيدُ لِيُطَهِّرَكُمۡ وَلِيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (iyo dhegahiinna intooda korreysa oo muuqata iyo intooda gudaha ahba), meyrana lugahiinna ilaa canqawyada. Haddaad janaaba qabtaan, meyrta, haddaad bugtaanna ama safar tihiin ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro ama aad taabateen haween oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Alle inuu idin kor dhigo wax dhib ah, wuxuuse rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahdisaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَمِيثَٰقَهُ ٱلَّذِي وَاثَقَكُم بِهِۦٓ إِذۡ قُلۡتُمۡ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
7. Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna (waa Islaamka) iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: 'Waan maqallay waana adeecnay,' oo Alle ka cabsada. Hubaal, Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُواْ قَوَّٰمِينَ لِلَّهِ شُهَدَآءَ بِٱلۡقِسۡطِۖ وَلَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شَنَـَٔانُ قَوۡمٍ عَلَىٰٓ أَلَّا تَعۡدِلُواْۚ ٱعۡدِلُواْ هُوَ أَقۡرَبُ لِلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
8. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Alle Darti, markhaatiyo caadil ah, yeysanna naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad falin. Caddaalad fala: sidaasaa u dhow dhowrsanaanta, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٌ عَظِيمٞ
9. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwa rumeeyey oo samaha fala inay leeyihiin denbi dhaaf iyo Ajar weyn (Janno).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: മാഇദ
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക