Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അൻആം   ആയത്ത്:
۞ وَلَوۡ أَنَّنَا نَزَّلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ وَكَلَّمَهُمُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَحَشَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ كُلَّ شَيۡءٖ قُبُلٗا مَّا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَجۡهَلُونَ
111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa moog yihiin oo ma garanayaan (Xaqa aad uga keentay xagga Alle).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا شَيَٰطِينَ ٱلۡإِنسِ وَٱلۡجِنِّ يُوحِي بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ زُخۡرُفَ ٱلۡقَوۡلِ غُرُورٗاۚ وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ
112. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walbaa cadow - shayaadiinta ku jira dadka iyo jinka, qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Rabbigaa hadduu doonona, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxay been abuuranba.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَلِتَصۡغَىٰٓ إِلَيۡهِ أَفۡـِٔدَةُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ وَلِيَرۡضَوۡهُ وَلِيَقۡتَرِفُواْ مَا هُم مُّقۡتَرِفُونَ
113. Waana si ay ugu iilato laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxay kasban (oo denbiyo ah).
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡتَغِي حَكَمٗا وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ إِلَيۡكُمُ ٱلۡكِتَٰبَ مُفَصَّلٗاۚ وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡلَمُونَ أَنَّهُۥ مُنَزَّلٞ مِّن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ
114. Ma cidaan ahayn Alle baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَتَمَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدۡقٗا وَعَدۡلٗاۚ لَّا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
115. Kelmadda Rabbigaana waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Waana Maqlaha (wax kasta),wax kasta ogsoon.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَإِن تُطِعۡ أَكۡثَرَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
116. Haddaad adeecdona intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Alle. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ مَن يَضِلُّ عَن سَبِيلِهِۦۖ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
117. Hubaal Rabbigaa baa Og midka ka luma Jidkiisa, Isagaana Og cidda hanuunsan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَكُلُواْ مِمَّا ذُكِرَ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ إِن كُنتُم بِـَٔايَٰتِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
118. Ee cuna waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: അൻആം
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക