Check out the new design

पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । * - अनुवादहरूको सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थको अनुवाद सूरः: श्शुअरा   श्लोक:
إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ
137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
138. Oo ma nihin kuwo la cadaabayo.
अरबी व्याख्याहरू:
فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
अरबी व्याख्याहरू:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
अरबी व्याख्याहरू:
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.
अरबी व्याख्याहरू:
إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ
142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
अरबी व्याख्याहरू:
إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ
143. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.
अरबी व्याख्याहरू:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya Rabbiga uumanka.
अरबी व्याख्याहरू:
أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ
146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?
अरबी व्याख्याहरू:
فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ
147. Ku sugan beero iyo ilo.
अरबी व्याख्याहरू:
وَزُرُوعٖ وَنَخۡلٖ طَلۡعُهَا هَضِيمٞ
148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.
अरबी व्याख्याहरू:
وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا فَٰرِهِينَ
149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.
अरबी व्याख्याहरू:
فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
150. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
अरबी व्याख्याहरू:
وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
151. Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha.
अरबी व्याख्याहरू:
ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ
152. Ee ah kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.
अरबी व्याख्याहरू:
قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ
153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.
अरबी व्याख्याहरू:
مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.
अरबी व्याख्याहरू:
قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٞ لَّهَا شِرۡبٞ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ
155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.
9. Hal Mucjiso ahaan loogu soo diray Calaamo ahaan ka timid xagga Alle.
अरबी व्याख्याहरू:
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin daran.
अरबी व्याख्याहरू:
فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ
157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.
अरबी व्याख्याहरू:
فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ
158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa xaqiiq ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
अरबी व्याख्याहरू:
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
अरबी व्याख्याहरू:
 
अर्थको अनुवाद सूरः: श्शुअरा
अध्यायहरूको (सूरःहरूको) सूची رقم الصفحة
 
पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । - अनुवादहरूको सूची

अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकुब ।

बन्द गर्नुस्