Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Ya'qub * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Vers: (11) Surah: Soerat al-Israa (De nachtelijke tocht)
وَيَدۡعُ ٱلۡإِنسَٰنُ بِٱلشَّرِّ دُعَآءَهُۥ بِٱلۡخَيۡرِۖ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ عَجُولٗا
11. Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa6.
6. Macnaha waxaa dhacda marmar inuu habaaro naftiisa ama ilmahaiisa ama dadka aad ugu dhow oo xigaaladiisa ah, sidoo kale waxaa la yidhi macnaha waa wuxuu Alle ka baryaa wuxuu moodo inuu khayr u yahay, ha yeeshee Alle og yahay inuu shar u yahay, sidaas awgeed uusan ka ajibiin ducada oo ka aqbalin baryadaa. Aadmiguna wuu degdeg badan yahay, macnaha waa samir yar yahay, laab kac badan yahay, oo wax ku dhaqaaqaa ka fiirsi la’aan qof uu Alle u naxariistay maahee. Aadmiga, si kasta uu isu kibriyo, weli waa daciif iyo abuurane yar.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Vers: (11) Surah: Soerat al-Israa (De nachtelijke tocht)
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Ya'qub - Index van vertaling

Vertaling van de betekenissen van de Heilige Koran naar het Somalisch, vertaald door Abdullah Hassan Ya'qub.

Sluit