Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: Aal-Imraan   Vers:

Aala Cimraan

الٓمٓ
1. Alif – Laam - Miim [1].
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Aal Cimraan waa Suuradda seddexaad ee Musxafka, macnaha Aal Cimraan waa reer Cimraan. Cimraan waa qoyska Cimraan oo ah Maryam aabbaheed, Nabi Ciise hooyadi, nabadgalyo korkiisa ha ahaatee.
Waxaa jiray nin kale oo la odhan jiray Cimraan oo reer binu Israa'iil ka mid ahaa, oo ahaa Muuse iyo Haaruun C.S. aabbahood, laakiin qoyska Cimraan ee lagu xusay suuradda Al Cimraan waa qoyska Cimraan, Maryam aabbaheed iyo Ciise awoowgi.
Arabische uitleg van de Qur'an:
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُ
2. Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Noolaha Daa'inka ah, Daryeelaha waxa uunka jira oo dhan,
Arabische uitleg van de Qur'an:
نَزَّلَ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَأَنزَلَ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ
3. Wuxuu kuugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), Wuxuuna soo dejiyey Towraadda iyo Injiilka,
Arabische uitleg van de Qur'an:
مِن قَبۡلُ هُدٗى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ ٱلۡفُرۡقَانَۗ إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ
4. Kal hore, hanuunin dadka, oo wuxuu soo dejiyey Al-Furqaan (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeynin Aayaadaha Alle, waxay leeyihiin cadaab daran. Alle waa Adkaade, Aargoosi leh.
Arabische uitleg van de Qur'an:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَخۡفَىٰ عَلَيۡهِ شَيۡءٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ
5. Hubaal, Alle waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada.
Arabische uitleg van de Qur'an:
هُوَ ٱلَّذِي يُصَوِّرُكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡحَامِ كَيۡفَ يَشَآءُۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
6. Waa Kan idiinku sawira (qaab siiya) ilma galeennada siduu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
Arabische uitleg van de Qur'an:
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ مِنۡهُ ءَايَٰتٞ مُّحۡكَمَٰتٌ هُنَّ أُمُّ ٱلۡكِتَٰبِ وَأُخَرُ مُتَشَٰبِهَٰتٞۖ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمۡ زَيۡغٞ فَيَتَّبِعُونَ مَا تَشَٰبَهَ مِنۡهُ ٱبۡتِغَآءَ ٱلۡفِتۡنَةِ وَٱبۡتِغَآءَ تَأۡوِيلِهِۦۖ وَمَا يَعۡلَمُ تَأۡوِيلَهُۥٓ إِلَّا ٱللَّهُۗ وَٱلرَّٰسِخُونَ فِي ٱلۡعِلۡمِ يَقُولُونَ ءَامَنَّا بِهِۦ كُلّٞ مِّنۡ عِندِ رَبِّنَاۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ
7. Waa Isaga Kan kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka), qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg (oo macno kala duwan leh). Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir iskood ah [2], umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Alle. Kuwana ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Mana
xusuusataan oo waantoobaan wax garadka mooyee.
2. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Haddaad aragtaan dad ku murmaya Qur’aanka, ka digtoonaada waa kuwa uu Alle magacaabaye".
Arabische uitleg van de Qur'an:
رَبَّنَا لَا تُزِغۡ قُلُوبَنَا بَعۡدَ إِذۡ هَدَيۡتَنَا وَهَبۡ لَنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةًۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡوَهَّابُ
8. Rabbigayow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay [3], noogana hibee xaggaaga Naxariis. Waxaad Adigu tahay Kan Deeq Bixinta Badane.
3. Nabigu s.c.w. wuxuu wax badan ku duceysan jirey: 'Allow gedgeddiyaha quluubtow, ku sug qalbigeyga diintaada'.
Arabische uitleg van de Qur'an:
رَبَّنَآ إِنَّكَ جَامِعُ ٱلنَّاسِ لِيَوۡمٖ لَّا رَيۡبَ فِيهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ
9. Rabbigayow! Adigaa isu soo kulmin dadka Maalin aan shaki lahayn (waa Qiyaamada); Alle ma ka baxo Ballankiisa.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: Aal-Imraan
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit