Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: Al-Djaasi'jah   Vers:
قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَغۡفِرُواْ لِلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجۡزِيَ قَوۡمَۢا بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
14. Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska3 dhaafaan kuwa aan ka rajo qabin Ayaamaha Alle, si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.
3. Waa billowgii baaqa Islaamka ka hor inta aan la idmin jihaadka.
4. Ayaamaha Alle waxaa loola jeedaa maalmihii uu Alle ku soo dejiyey gaalada cadaabka, oo badbaadiyey kuwa xaqa rumeeyey.
Arabische uitleg van de Qur'an:
مَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۖ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ تُرۡجَعُونَ
15. Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحُكۡمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلۡنَٰهُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
16. Waxaan dhab ahaan siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun5 iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka faddilnay dadkii (waqtigoodii).
5. Al-Xukma waxaa loola jeedaa fahanka caqiidada iyo xeerarka islaamka iyo ku dhaqankooda iyo garsoor wanaagsan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَءَاتَيۡنَٰهُم بَيِّنَٰتٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِۖ فَمَا ٱخۡتَلَفُوٓاْ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡعِلۡمُ بَغۡيَۢا بَيۡنَهُمۡۚ إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ
17. Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.
Arabische uitleg van de Qur'an:
ثُمَّ جَعَلۡنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٖ مِّنَ ٱلۡأَمۡرِ فَٱتَّبِعۡهَا وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ
18. Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwaan wax ogeyn.
Arabische uitleg van de Qur'an:
إِنَّهُمۡ لَن يُغۡنُواْ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۚ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۖ وَٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلۡمُتَّقِينَ
19. Iyagu kaagama taraan xagga Alle waxba; daalimiintana waa isu sokeeye qaarba qaarka kale. Allena waa Gargaaraha kuwa iska jira (xumaha).
Arabische uitleg van de Qur'an:
هَٰذَا بَصَٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ
20.Kuwakani waa u xujooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجۡتَرَحُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجۡعَلَهُمۡ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَوَآءٗ مَّحۡيَاهُمۡ وَمَمَاتُهُمۡۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ
21. Mise waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda6 iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.
6. Tafsiir kale waa: Xumaan falayaasha waa isku mid noloshooda iyo geeridooda. Macnaha waa ma aqbalaan hanuunka.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّ وَلِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
22. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: Al-Djaasi'jah
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit