Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: El-Maidah   Vers:

Al-maa'idah

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَوۡفُواْ بِٱلۡعُقُودِۚ أُحِلَّتۡ لَكُم بَهِيمَةُ ٱلۡأَنۡعَٰمِ إِلَّا مَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ غَيۡرَ مُحِلِّي ٱلصَّيۡدِ وَأَنتُمۡ حُرُمٌۗ إِنَّ ٱللَّهَ يَحۡكُمُ مَا يُرِيدُ
1. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Oofiya ballamaha [1] aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin (halkan), waana inaydaan banneysaneyn ugaarsiga markaad xidhataan (Xajka ama Cumrada), Alle wuxuu xukumaa wuxuu doono.
1. Ballamaha, waxaa halkan loola jeedaa ballanta lala galo Alle, iyo ballamaha dadka dhexdooda ah, cahdiyada la galo, heshiisyada la kala saxiixdo, dhaaraha la maro, xilalka la qaado, iwm waa in aad loo dhowro oo looga run sheego.
Arabische uitleg van de Qur'an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُحِلُّواْ شَعَٰٓئِرَ ٱللَّهِ وَلَا ٱلشَّهۡرَ ٱلۡحَرَامَ وَلَا ٱلۡهَدۡيَ وَلَا ٱلۡقَلَٰٓئِدَ وَلَآ ءَآمِّينَ ٱلۡبَيۡتَ ٱلۡحَرَامَ يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّهِمۡ وَرِضۡوَٰنٗاۚ وَإِذَا حَلَلۡتُمۡ فَٱصۡطَادُواْۚ وَلَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شَنَـَٔانُ قَوۡمٍ أَن صَدُّوكُمۡ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ أَن تَعۡتَدُواْۘ وَتَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَلَا تَعَاوَنُواْ عَلَى ٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha banneysan- nina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Alle iyo bil xurmad gaar ah leh midna, hana (ku xadgudbina) hadyiga, iyo xoolaha la luqun xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Beytka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), yeysanna naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Isuguna kaalmeeya sama falka iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isugu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Alle ka cabsada, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: El-Maidah
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit