Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Ya'qub * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Vers: (1) Surah: Soerat Al-Momtahanah (De Vrouw die Ondervraagt zal worden)

Suurada A-lmumtaxinah

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمۡ أَوۡلِيَآءَ تُلۡقُونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَقَدۡ كَفَرُواْ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلۡحَقِّ يُخۡرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمۡ أَن تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ رَبِّكُمۡ إِن كُنتُمۡ خَرَجۡتُمۡ جِهَٰدٗا فِي سَبِيلِي وَٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِيۚ تُسِرُّونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعۡلَمُ بِمَآ أَخۡفَيۡتُمۡ وَمَآ أَعۡلَنتُمۡۚ وَمَن يَفۡعَلۡهُ مِنكُمۡ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna sokeeye2, idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeya), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, aniguna (waa Alle'e) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
1. Al-Mumtaxinah: Suuradda imtixaamidda, hubsiinada, waxaa sidoo kale la yidhaahdaa Al-Mumtaxanah: Haweenka la imtixaanayey.
2. Sokeeye iyo saaxiibbo.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Vers: (1) Surah: Soerat Al-Momtahanah (De Vrouw die Ondervraagt zal worden)
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Ya'qub - Index van vertaling

Vertaling van de betekenissen van de Heilige Koran naar het Somalisch, vertaald door Abdullah Hassan Ya'qub.

Sluit