Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: Al-Qalam   Vers:
إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ
17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ
18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٞ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ
19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ
20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ
21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ
22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ
23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٞ
24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٖ قَٰدِرِينَ
25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ
26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay.
Arabische uitleg van de Qur'an:
بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ
27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
Arabische uitleg van de Qur'an:
قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ
28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?
Arabische uitleg van de Qur'an:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَلَٰوَمُونَ
30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
Arabische uitleg van de Qur'an:
قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ
31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
Arabische uitleg van de Qur'an:
عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرٗا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ
32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.
Arabische uitleg van de Qur'an:
كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.
Arabische uitleg van de Qur'an:
إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
34. Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ
35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
Arabische uitleg van de Qur'an:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٞ فِيهِ تَدۡرُسُونَ
37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -
Arabische uitleg van de Qur'an:
إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ
38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ
39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
Arabische uitleg van de Qur'an:
سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ
40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
Arabische uitleg van de Qur'an:
أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٖ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ
42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle' [3] oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).
3. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: Al-Qalam
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit