ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫

ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ:close

external-link copy
105 : 17

وَبِٱلۡحَقِّ أَنزَلۡنَٰهُ وَبِٱلۡحَقِّ نَزَلَۗ وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا

105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay [36]. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan. info

[36]. Ma jiro Qur’aanka wax iska hor imaanaya, mana ku jiro wax ka weecasho ah Xaqa.

التفاسير: |

external-link copy
106 : 17

وَقُرۡءَانٗا فَرَقۡنَٰهُ لِتَقۡرَأَهُۥ عَلَى ٱلنَّاسِ عَلَىٰ مُكۡثٖ وَنَزَّلۡنَٰهُ تَنزِيلٗا

106. Waana Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb [37], si aad ugu akhrido dadka aayar. Waxaana u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan. info

[37]. 23 sano gudahood.

التفاسير: |

external-link copy
107 : 17

قُلۡ ءَامِنُواْ بِهِۦٓ أَوۡ لَا تُؤۡمِنُوٓاْۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهِۦٓ إِذَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ يَخِرُّونَۤ لِلۡأَذۡقَانِۤ سُجَّدٗاۤ

107. Dheh: Rumeeya (Qur’aanka) ama ha rumaynina. kuwa la siiyey cilmiga isaga horti [38], marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan 'dhulka' gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' sujuud. info

[38]. Dadka wanaagsan ee ku jira Ehlu Kitaabka 'Yuhuudda iyo Nasaarada soo Islaamay', ee garta xaqa ku sugan Qur’aanka.

التفاسير: |

external-link copy
108 : 17

وَيَقُولُونَ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِن كَانَ وَعۡدُ رَبِّنَا لَمَفۡعُولٗا

108. Waxayna yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan)! Ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula. info
التفاسير: |

external-link copy
109 : 17

وَيَخِرُّونَ لِلۡأَذۡقَانِ يَبۡكُونَ وَيَزِيدُهُمۡ خُشُوعٗا۩

109. Waxay 'dhulka' ula dhacaan gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' iyagoo ooyaya, wuxuuna u kordhiyaa (Qur’aanku) khushuuc. info
التفاسير: |

external-link copy
110 : 17

قُلِ ٱدۡعُواْ ٱللَّهَ أَوِ ٱدۡعُواْ ٱلرَّحۡمَٰنَۖ أَيّٗا مَّا تَدۡعُواْ فَلَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَلَا تَجۡهَرۡ بِصَلَاتِكَ وَلَا تُخَافِتۡ بِهَا وَٱبۡتَغِ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلٗا

110. Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah. info
التفاسير: |

external-link copy
111 : 17

وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدٗا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٞ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلِيّٞ مِّنَ ٱلذُّلِّۖ وَكَبِّرۡهُ تَكۡبِيرَۢا

111. Dheh: Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga (iyo maamulka uunka), oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, ee weynee weyneyn dhan. info
التفاسير: |