Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ   አንቀጽ:
وَبِٱلۡحَقِّ أَنزَلۡنَٰهُ وَبِٱلۡحَقِّ نَزَلَۗ وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا
105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay27. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan.
27. Ma jiro Qur’aanka wax iska hor imaanaya, mana ku jiro wax ka weecasho ah Xaqa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقُرۡءَانٗا فَرَقۡنَٰهُ لِتَقۡرَأَهُۥ عَلَى ٱلنَّاسِ عَلَىٰ مُكۡثٖ وَنَزَّلۡنَٰهُ تَنزِيلٗا
106. Waana Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb, si aad ugu akhrido dadka aayar. Waxaana u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan (23 sano gudahood).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ ءَامِنُواْ بِهِۦٓ أَوۡ لَا تُؤۡمِنُوٓاْۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهِۦٓ إِذَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ يَخِرُّونَۤ لِلۡأَذۡقَانِۤ سُجَّدٗاۤ
107. Dheh: Rumeeya (Qur’aanka) ama ha rumaynina. kuwa la siiyey cilmiga isaga horti28 (ee ah Yuhuudda iyo Nasaarada soo Islaamay), marka loo akhriyo, waxay ula dhacaan 'dhulka' gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' sujuud.
28. Dadka wanaagsan ee ku jira Ehlu Kitaabka ee garta xaqa ku sugan Qur’aanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُونَ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِن كَانَ وَعۡدُ رَبِّنَا لَمَفۡعُولٗا
108. Waxay yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan)! Ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَخِرُّونَ لِلۡأَذۡقَانِ يَبۡكُونَ وَيَزِيدُهُمۡ خُشُوعٗا۩
109. Waxay 'dhulka' ula dhacaan gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' iyagoo ooyaya, wuxuuna u kordhiyaa (Qur’aanku) khushuuc.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلِ ٱدۡعُواْ ٱللَّهَ أَوِ ٱدۡعُواْ ٱلرَّحۡمَٰنَۖ أَيّٗا مَّا تَدۡعُواْ فَلَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ وَلَا تَجۡهَرۡ بِصَلَاتِكَ وَلَا تُخَافِتۡ بِهَا وَٱبۡتَغِ بَيۡنَ ذَٰلِكَ سَبِيلٗا
110. Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدٗا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٞ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلِيّٞ مِّنَ ٱلذُّلِّۖ وَكَبِّرۡهُ تَكۡبِيرَۢا
111. Dheh: Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga (iyo maamulka uunka), oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, ee weynee weyneyn dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት