Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ   አንቀጽ:
وَإِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فِي ٱلۡبَحۡرِ ضَلَّ مَن تَدۡعُونَ إِلَّآ إِيَّاهُۖ فَلَمَّا نَجَّىٰكُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ أَعۡرَضۡتُمۡۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ كَفُورًا
67. Marka dhibaato idinku taabato badda, waad weydaan kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle maahee. markase uu idinku keeno nabad barriga, waa jeedsataan. Aadmiguna waa abaal dhac badan yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَأَمِنتُمۡ أَن يَخۡسِفَ بِكُمۡ جَانِبَ ٱلۡبَرِّ أَوۡ يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗا ثُمَّ لَا تَجِدُواْ لَكُمۡ وَكِيلًا
68. Ma waxaad aamin ka tihiin inuu idinla gooyo dhinac dhulka ka mid ah, ama idin ku soo diro dabeyl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heleysaan wax idinka dhowra (cadaabka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ أَمِنتُمۡ أَن يُعِيدَكُمۡ فِيهِ تَارَةً أُخۡرَىٰ فَيُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ قَاصِفٗا مِّنَ ٱلرِّيحِ فَيُغۡرِقَكُم بِمَا كَفَرۡتُمۡ ثُمَّ لَا تَجِدُواْ لَكُمۡ عَلَيۡنَا بِهِۦ تَبِيعٗا
69. Mise, waxaad aamin ka tihiin inuu dib idiinku soo celiyo (badda) mar kale oo markaas idiin soo diro dabeyl daran oo idin harqiyo gaalnimadiinna darteed,markaasna ma heleysaan wax nooga kiin gargaara?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَلَقَدۡ كَرَّمۡنَا بَنِيٓ ءَادَمَ وَحَمَلۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ وَرَزَقۡنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّمَّنۡ خَلَقۡنَا تَفۡضِيلٗا
70. Waxaanu dhab ahaan sharafnay ilma Aadam, oo ku qaadnay barriga iyo baddaba, oo ku irsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, waxaana ka kormarinnay in badan oo waxaan abuurnay ah kor marin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ نَدۡعُواْ كُلَّ أُنَاسِۭ بِإِمَٰمِهِمۡۖ فَمَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَقۡرَءُونَ كِتَٰبَهُمۡ وَلَا يُظۡلَمُونَ فَتِيلٗا
71. (Xusuuso) Maalintaan u yeedhi dad walbaa isagoo imaamkoodii20 la jiro. Markaas mid kastoo lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, kuwaa baa akhriyi Kitaabkooda (iyagoo faraxsan) lagamana dulmiyo wax le’eg xuub timireedna.
20. Waxaa loola jeedaa kitaabka camalkooda ama hoggaamiyahooda ama midkay raaceen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن كَانَ فِي هَٰذِهِۦٓ أَعۡمَىٰ فَهُوَ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ أَعۡمَىٰ وَأَضَلُّ سَبِيلٗا
72. Qofkii ku indha la’ tani (adduunka oo xaqa ka beyra), wuxuu ahaan mid indha la’ Aakhirada, oo ka sii habowsan Jidka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن كَادُواْ لَيَفۡتِنُونَكَ عَنِ ٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ لِتَفۡتَرِيَ عَلَيۡنَا غَيۡرَهُۥۖ وَإِذٗا لَّٱتَّخَذُوكَ خَلِيلٗا
73. Waxay u dhowaadeen (gaaladu) inay kaa jeediyaan waxaan kuu soo waxyoonnay (Qur’aanka) si aad noogu been abuurato waxaan isaga ahayn, markaasna waxay kaa yeelan lahaayeen saaxiib gaar ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡلَآ أَن ثَبَّتۡنَٰكَ لَقَدۡ كِدتَّ تَرۡكَنُ إِلَيۡهِمۡ شَيۡـٔٗا قَلِيلًا
74. Haddaanan kugu sugin (Xaqa) waxaad ku sigatay inaad u iilato xaggooda wax yar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذٗا لَّأَذَقۡنَٰكَ ضِعۡفَ ٱلۡحَيَوٰةِ وَضِعۡفَ ٱلۡمَمَاتِ ثُمَّ لَا تَجِدُ لَكَ عَلَيۡنَا نَصِيرٗا
75. Markaas waxaan ku dhadhansiin lahayn (cadaab) laban laab ah noloshan iyo (cadaab) labanlaab ah dhimashada kaddib, mana hesheen wax nooga kaa gargaara.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት