Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ   አንቀጽ:
إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّ فَضۡلَهُۥ كَانَ عَلَيۡكَ كَبِيرٗا
87. Naxariis maahee xagga Rabbigaa ah. Fadligiisu korkaaga (Nabiyow) waa mid aad u weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لَّئِنِ ٱجۡتَمَعَتِ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَىٰٓ أَن يَأۡتُواْ بِمِثۡلِ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لَا يَأۡتُونَ بِمِثۡلِهِۦ وَلَوۡ كَانَ بَعۡضُهُمۡ لِبَعۡضٖ ظَهِيرٗا
88. Dheh: Hadday dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa hadduu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖ فَأَبَىٰٓ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورٗا
89. Waxaan dhab ahaan ugu faahfaahinnay dadka Qur'aankaan dhexdiisa nooc kasta oo tusaale ah, wayse diideen dadka badankiisu waxaan ahayn Xaq diiddo iyo gaalnimo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ لَن نُّؤۡمِنَ لَكَ حَتَّىٰ تَفۡجُرَ لَنَا مِنَ ٱلۡأَرۡضِ يَنۢبُوعًا
90. Waxayna yidhaahdeen: ku rumeyn meyno jeer aad nooga burqiso dhulka ilo;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ تَكُونَ لَكَ جَنَّةٞ مِّن نَّخِيلٖ وَعِنَبٖ فَتُفَجِّرَ ٱلۡأَنۡهَٰرَ خِلَٰلَهَا تَفۡجِيرًا
91. Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah oo aad ka burqiso webiyo durdur ah dhexdooda burqin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ تُسۡقِطَ ٱلسَّمَآءَ كَمَا زَعَمۡتَ عَلَيۡنَا كِسَفًا أَوۡ تَأۡتِيَ بِٱللَّهِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ قَبِيلًا
92. Ama aad nagu soo riddo cirka sida aad sheegatay isagoo gaballo googga'an ah, ama aad keento Alle iyo malaa’igta hortayada fool ka fool.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوۡ يَكُونَ لَكَ بَيۡتٞ مِّن زُخۡرُفٍ أَوۡ تَرۡقَىٰ فِي ٱلسَّمَآءِ وَلَن نُّؤۡمِنَ لِرُقِيِّكَ حَتَّىٰ تُنَزِّلَ عَلَيۡنَا كِتَٰبٗا نَّقۡرَؤُهُۥۗ قُلۡ سُبۡحَانَ رَبِّي هَلۡ كُنتُ إِلَّا بَشَرٗا رَّسُولٗا
93. Amaba aad yeelato guri ka sameysan dahab ama aad korto cirka, rumeyn meynona koriddaada jeer aad noogaga soo dejisid Kitaab aan akhrinno. Dheh: Xurmad Rabbigay baa iska leh oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan). Ma waxaan ahay waxaan ahayn aadmi Rasuul ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤۡمِنُوٓاْ إِذۡ جَآءَهُمُ ٱلۡهُدَىٰٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَبَعَثَ ٱللَّهُ بَشَرٗا رَّسُولٗا
94. Waxna uma diidin dadka rumeynta markuu hanuunku u yimid oo aan ahayn inay yidhaahdeen: Ma wuxuu Alle soo diray aadmi Rasuul ah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لَّوۡ كَانَ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَلَٰٓئِكَةٞ يَمۡشُونَ مُطۡمَئِنِّينَ لَنَزَّلۡنَا عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَلَكٗا رَّسُولٗا
95. Dheh: Hadday jiri lahaayeen dhulka, malaa’ig ku maraysa nabad oo deggan25, Waxaan uga soo dejin laheyn cirka malag Rasuul ah.
25. Macnaha waa malaa’ig deggan oo ku sugan dhulka, sida dadku yihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا
96. Dheh: Alle baa ku filan markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Hubaal Waa uu ka War hayaa addoomahiisa, Arkaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት