Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ   አንቀጽ:
وَإِمَّا تُعۡرِضَنَّ عَنۡهُمُ ٱبۡتِغَآءَ رَحۡمَةٖ مِّن رَّبِّكَ تَرۡجُوهَا فَقُل لَّهُمۡ قَوۡلٗا مَّيۡسُورٗا
28. Haddaad ka sii jeesato (kuwaa baahan ee dan yarta ah) adigoo filan Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, markaa kula hadal horaar san12.
12.Waxaa loola jeedaa haddaadan haysan waxaad siiso markaa, ama aydaan fulin karin Amarka Alle ee ku soo arooray Aayadda 26, haddaba ku dhaha hadal wanaagsan aan murugo gelineyn inaad u fidin kaalmo darteed, idinkoo ka dalbaya risiq xagga Rabbigiin si aad u siisaan xuquuqdooda qaraabada iyo qeyrkood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَجۡعَلۡ يَدَكَ مَغۡلُولَةً إِلَىٰ عُنُقِكَ وَلَا تَبۡسُطۡهَا كُلَّ ٱلۡبَسۡطِ فَتَقۡعُدَ مَلُومٗا مَّحۡسُورًا
29. Ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada, hana wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan hadhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ رَبَّكَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّهُۥ كَانَ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا
30. Hubaal, Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُمۡ خَشۡيَةَ إِمۡلَٰقٖۖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُهُمۡ وَإِيَّاكُمۡۚ إِنَّ قَتۡلَهُمۡ كَانَ خِطۡـٔٗا كَبِيرٗا
31. Ha dilina carruurtiinna baqe aad ka qabtaan faqri darti, Annagaa irsaaqayna iyaga iyo idinkaba. Hubaal, dilkoodu waa gef Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَقۡرَبُواْ ٱلزِّنَىٰٓۖ إِنَّهُۥ كَانَ فَٰحِشَةٗ وَسَآءَ سَبِيلٗا
32. Ha u dhowaannina Zinada13, waayo waa weji-xumo (if iyo aakhiraba) iyo dariiq aad u xun.
13. Iska jira dhammaan arrimaha kuu horseedi kara inaad fasho wax xun oo qudhun ah sida zino, gogol dhaaf, khiyaano, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَقۡتُلُواْ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَمَن قُتِلَ مَظۡلُومٗا فَقَدۡ جَعَلۡنَا لِوَلِيِّهِۦ سُلۡطَٰنٗا فَلَا يُسۡرِف فِّي ٱلۡقَتۡلِۖ إِنَّهُۥ كَانَ مَنصُورٗا
33. Ha ku dilina nafta uu Alle xaaraa- meeyay waxaan xaq ahayn. Qofkii lagu dilo gardarro, Waxaan siinnay waligiisa (sokeeyahiisa) awood14. waase inuusan ku xad-gudbin dilka15. Hubaal waa loo gargaaraye.
14. Suldaan halkan waxaa loola jeedaa warasada qofka la dilay, ama xaakimka si ay u dalbaan qisaas, ama u aqbalaan diyo. Eeg Suuradda Al-Baqara Aayadda 178, iyo Suuradda An-Nisaa Aayadda: 92.
15. Waa inaan lagu dilin qofna waxaan ahayn arrin sharci ah ama waqtiga jihaadka qof ah cadow aad dagaal ku wada jirtaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَقۡرَبُواْ مَالَ ٱلۡيَتِيمِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ أَشُدَّهُۥۚ وَأَوۡفُواْ بِٱلۡعَهۡدِۖ إِنَّ ٱلۡعَهۡدَ كَانَ مَسۡـُٔولٗا
34. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro. Oofiya ballanka. Hubaal ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ إِذَا كِلۡتُمۡ وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ وَأَحۡسَنُ تَأۡوِيلٗا
35. Oofiya miisaanka markaad wax miisaameysaan, oo ku miisaama miisaan xaq ah. Kan baa khayr roon oo cidhib san.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَقۡفُ مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٌۚ إِنَّ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡبَصَرَ وَٱلۡفُؤَادَ كُلُّ أُوْلَٰٓئِكَ كَانَ عَنۡهُ مَسۡـُٔولٗا
36. Ha raacraacin wax aadan u laheyn cilmi. hubaal Maqalka, Aragga iyo Laabta mid walbaa oo kuwaas ka mid ah waa lays weydiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَمۡشِ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًاۖ إِنَّكَ لَن تَخۡرِقَ ٱلۡأَرۡضَ وَلَن تَبۡلُغَ ٱلۡجِبَالَ طُولٗا
37. Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُلُّ ذَٰلِكَ كَانَ سَيِّئُهُۥ عِندَ رَبِّكَ مَكۡرُوهٗا
38. Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት