[13]. Waxaa loola jeedaa haddaadan haysan waxaad siiso markaa, ama aydaan fulin karin Amarka Alle ee ku soo arooray Aayadda 26, haddaba ku dhaha hadal wanaagsan aan murugo gelineyn inaad u fidin kaalmo darteed, idinkoo ka dalbaya risiq xagga Rabbigiin si aad u siisaan xuquuqdooda qaraabada iyo qeyrkood.
[14]. Iska jira dhammaan arrimaha kuu horseedi kara inaad fasho wax xun oo qudhun ah sida zino, gogol dhaaf, khiyaano, iwm.
[15]. Suldaan halkan waxaa loola jeedaa warasada qofka la dilay, ama xaakimka si ay u dalbaan qisaas, ama u aqbalaan diyo. Eeg Suuradda Al-Baqara Aayadda 178, iyo Suuradda An-Nisaa Aayadda: 92.
[16]. Waa inaan lagu dilin qofna waxaan ahayn arrin sharci ah ama waqtiga jihaadka qof ah cadow aad dagaal ku wada jirtaan.