Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 伊斯拉仪   段:
وَإِمَّا تُعۡرِضَنَّ عَنۡهُمُ ٱبۡتِغَآءَ رَحۡمَةٖ مِّن رَّبِّكَ تَرۡجُوهَا فَقُل لَّهُمۡ قَوۡلٗا مَّيۡسُورٗا
28. Haddaad ka sii jeesato (kuwaa baahan ee dan yarta ah qaraabo ama deris waxay ahaadaanba) adigoo filan Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, markaa kula hadal horaar san12.
12.Waxaa loola jeedaa haddaadan haysan waxaad siiso markaa, ama aydaan fulin karin Amarka Alle ee ku soo arooray Aayadda 26, haddaba ku dhaha hadal wanaagsan aan murugo gelineyn inaad u fidin kaalmo darteed, idinkoo ka dalbaya risiq xagga Rabbigiin si aad u siisaan xuquuqdooda qaraabada iyo qeyrkood.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَجۡعَلۡ يَدَكَ مَغۡلُولَةً إِلَىٰ عُنُقِكَ وَلَا تَبۡسُطۡهَا كُلَّ ٱلۡبَسۡطِ فَتَقۡعُدَ مَلُومٗا مَّحۡسُورًا
29. Ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada, hana wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan hadhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah.
阿拉伯语经注:
إِنَّ رَبَّكَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّهُۥ كَانَ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا
30. Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُمۡ خَشۡيَةَ إِمۡلَٰقٖۖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُهُمۡ وَإِيَّاكُمۡۚ إِنَّ قَتۡلَهُمۡ كَانَ خِطۡـٔٗا كَبِيرٗا
31. Ha dilina carruurtiinna baqe aad ka qabtaan faqri darti, Annagaa irsaaqayna iyaga iyo idinkaba. Hubaal, dilkoodu waa gef Weyn.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَقۡرَبُواْ ٱلزِّنَىٰٓۖ إِنَّهُۥ كَانَ فَٰحِشَةٗ وَسَآءَ سَبِيلٗا
32. Ha u dhowaannina Zinada13, waayo waa weji-xumo (if iyo aakhiraba) iyo dariiq aad u xun.
13. Iska jira dhammaan arrimaha kuu horseedi kara inaad fasho wax xun oo qudhun ah sida zino, gogol dhaaf, khiyaano, iwm.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَقۡتُلُواْ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَمَن قُتِلَ مَظۡلُومٗا فَقَدۡ جَعَلۡنَا لِوَلِيِّهِۦ سُلۡطَٰنٗا فَلَا يُسۡرِف فِّي ٱلۡقَتۡلِۖ إِنَّهُۥ كَانَ مَنصُورٗا
33. Ha ku dilina nafta uu Alle xaaraa- meeyay waxaan xaq ahayn. Qofkiina lagu dilo gardarro, Waxaan siinnay waligiisa (sokeeyahiisa) awood14. waase inuusan ku xad-gudbin dilka15. Hubaal waa loo gargaaraye.
14. Suldaan halkan waxaa loola jeedaa warasada qofka la dilay, ama xaakimka si ay u dalbaan qisaas, ama u aqbalaan diyo. Eeg Suuradda Al-Baqara Aayadda 178, iyo Suuradda An-Nisaa Aayadda: 92.
15. Waa inaan lagu dilin qofna waxaan ahayn arrin sharci ah ama waqtiga jihaadka qof ah cadow aad dagaal ku wada jirtaan.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَقۡرَبُواْ مَالَ ٱلۡيَتِيمِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ أَشُدَّهُۥۚ وَأَوۡفُواْ بِٱلۡعَهۡدِۖ إِنَّ ٱلۡعَهۡدَ كَانَ مَسۡـُٔولٗا
34. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro. oofiyana ballanka. hubaal ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin.
阿拉伯语经注:
وَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ إِذَا كِلۡتُمۡ وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ وَأَحۡسَنُ تَأۡوِيلٗا
35. Oofiya miisaanka markaad wax miisaameysaan, oo ku miisaama miisaan xaq ah. Kan baa khayr roon oo cidhib san.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَقۡفُ مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٌۚ إِنَّ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡبَصَرَ وَٱلۡفُؤَادَ كُلُّ أُوْلَٰٓئِكَ كَانَ عَنۡهُ مَسۡـُٔولٗا
36. Ha raacraacin wax aadan u laheyn cilmi. hubaal Maqalka, Aragga iyo Laabta mid walbaa oo kuwaas ka mid ah waa lays weydiin.
阿拉伯语经注:
وَلَا تَمۡشِ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَحًاۖ إِنَّكَ لَن تَخۡرِقَ ٱلۡأَرۡضَ وَلَن تَبۡلُغَ ٱلۡجِبَالَ طُولٗا
37. Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer.
阿拉伯语经注:
كُلُّ ذَٰلِكَ كَانَ سَيِّئُهُۥ عِندَ رَبِّكَ مَكۡرُوهٗا
38. Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 伊斯拉仪
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭