Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ   አንቀጽ:
عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يَرۡحَمَكُمۡۚ وَإِنۡ عُدتُّمۡ عُدۡنَاۚ وَجَعَلۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ حَصِيرًا
8. Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddaad toobad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon (Ciqaabidda). Waxaana uga dhignay Jahannama gaalada gogol.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَهۡدِي لِلَّتِي هِيَ أَقۡوَمُ وَيُبَشِّرُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَبِيرٗا
9. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu ku hanuunin dadka arrin tan u toosan, uguna bishaareyn mu’miniinta fala samaha inay leeyihiin Abaalgud Weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
10. Kuwa se aan rumeynin Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَدۡعُ ٱلۡإِنسَٰنُ بِٱلشَّرِّ دُعَآءَهُۥ بِٱلۡخَيۡرِۖ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ عَجُولٗا
11. Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa6.
6. Macnaha waxaa dhacda marmar inuu habaaro naftiisa ama ilmahaiisa ama dadka aad ugu dhow oo xigaaladiisa ah, sidoo kale waxaa la yidhi macnaha waa wuxuu Alle ka baryaa wuxuu moodo inuu khayr u yahay, ha yeeshee Alle og yahay inuu shar u yahay, sidaas awgeed uusan ka ajibiin ducada oo ka aqbalin baryadaa. Aadmiguna wuu degdeg badan yahay, macnaha waa samir yar yahay, laab kac badan yahay, oo wax ku dhaqaaqaa ka fiirsi la’aan qof uu Alle u naxariistay maahee. Aadmiga, si kasta uu isu kibriyo, weli waa daciif iyo abuurane yar.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ ءَايَتَيۡنِۖ فَمَحَوۡنَآ ءَايَةَ ٱلَّيۡلِ وَجَعَلۡنَآ ءَايَةَ ٱلنَّهَارِ مُبۡصِرَةٗ لِّتَبۡتَغُواْ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكُمۡ وَلِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ وَكُلَّ شَيۡءٖ فَصَّلۡنَٰهُ تَفۡصِيلٗا
12. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Waxaanu tirray calaamadda habeenka (ka dhignay mugdi), oo ka yeelnay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Waxaana u caddaynay wax walba si faahfaahsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكُلَّ إِنسَٰنٍ أَلۡزَمۡنَٰهُ طَٰٓئِرَهُۥ فِي عُنُقِهِۦۖ وَنُخۡرِجُ لَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ كِتَٰبٗا يَلۡقَىٰهُ مَنشُورًا
13. Qof walbaa waxaanu laasiminnay camalkiisa duula (khayr ama shar miduu yahayba) luquntiisa7, Waxaana u soo saari Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi isagoo fidsan.
7. Mar nin baa weydiiyey Nabiga s.c.w. : Camal kee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi: Salaadda oo la tukado waqtigeeda hore. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: U sama falka waalidka. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Jihaadka Jidka Alle. W.w. Al-Bukhaari
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱقۡرَأۡ كِتَٰبَكَ كَفَىٰ بِنَفۡسِكَ ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكَ حَسِيبٗا
14. (Waxaa lagu odhan) Akhri Kitaabkaaga, adigaa isugu filan maanta xisaabiye ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۗ وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبۡعَثَ رَسُولٗا
15. Qofkii hanuuna, wuxuu u hunuunay naftiisa. Kii lumaana8, wuxuu uun u lumay naftiisa. Ma qaaddo nafi, denbi naf kale, oo ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul (u diga).
8. Kaddib markaan kala tusnay labada dhabbood kan khayrka iyo kan sharka, waxaan uga dhignay mas’uul kan uu dooran iyo ka talinta aayahiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَآ أَرَدۡنَآ أَن نُّهۡلِكَ قَرۡيَةً أَمَرۡنَا مُتۡرَفِيهَا فَفَسَقُواْ فِيهَا فَحَقَّ عَلَيۡهَا ٱلۡقَوۡلُ فَدَمَّرۡنَٰهَا تَدۡمِيرٗا
16. Markaan doonno inaan halaagno magaalo, Waxaan u dirnaa Amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay Alle adeecaan) markaasay ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka (cadaabka) oo aan burburinnaa burburin dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِنَ ٱلۡقُرُونِ مِنۢ بَعۡدِ نُوحٖۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا
17. Immisaanu halaagnay facyo Nuux ka dambow! Rabbigaa baana ku filan inuu yahay Kan denbiyada addoomihi Ogsoon ee Arka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ኢስራዕ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት