Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Translations’ Index

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the meanings Surah: Al-Isrā’   Ayah:
عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يَرۡحَمَكُمۡۚ وَإِنۡ عُدتُّمۡ عُدۡنَاۚ وَجَعَلۡنَا جَهَنَّمَ لِلۡكَٰفِرِينَ حَصِيرًا
8. (Markaasuu Alle yidhi) waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddaad toobad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon (Ciqaabidda). Waxaana uga dhignay Jahannama gaalada gogol.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَهۡدِي لِلَّتِي هِيَ أَقۡوَمُ وَيُبَشِّرُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أَنَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَبِيرٗا
9. Qur’aankani wuxuu ku hanuunin dadka arrin tan u toosan, uguna bishaareyn mu’miniinta fala samaha inay leeyihiin Abaalgud Weyn (Janno).
Arabic explanations of the Qur’an:
وَأَنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا
10. Kuwa se aan rumeynin Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab xanuun badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَيَدۡعُ ٱلۡإِنسَٰنُ بِٱلشَّرِّ دُعَآءَهُۥ بِٱلۡخَيۡرِۖ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ عَجُولٗا
11. Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa6.
6. Macnaha waxaa dhacda marmar inuu habaaro naftiisa ama ilmahaiisa ama dadka aad ugu dhow oo xigaaladiisa ah, sidoo kale waxaa la yidhi macnaha waa wuxuu Alle ka baryaa wuxuu moodo inuu khayr u yahay, ha yeeshee Alle og yahay inuu shar u yahay, sidaas awgeed uusan ka ajibiin ducada oo ka aqbalin baryadaa. Aadmiguna wuu degdeg badan yahay, macnaha waa samir yar yahay, laab kac badan yahay, oo wax ku dhaqaaqaa ka fiirsi la’aan qof uu Alle u naxariistay maahee. Aadmiga, si kasta uu isu kibriyo, weli waa daciif iyo abuurane yar.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَجَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ ءَايَتَيۡنِۖ فَمَحَوۡنَآ ءَايَةَ ٱلَّيۡلِ وَجَعَلۡنَآ ءَايَةَ ٱلنَّهَارِ مُبۡصِرَةٗ لِّتَبۡتَغُواْ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكُمۡ وَلِتَعۡلَمُواْ عَدَدَ ٱلسِّنِينَ وَٱلۡحِسَابَۚ وَكُلَّ شَيۡءٖ فَصَّلۡنَٰهُ تَفۡصِيلٗا
12. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Waxaana tirray calaamadda habeenka (ka dhignay mugdi), oo ka yeelnay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Waxaana u caddaynay wax walba si faahfaahsan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَكُلَّ إِنسَٰنٍ أَلۡزَمۡنَٰهُ طَٰٓئِرَهُۥ فِي عُنُقِهِۦۖ وَنُخۡرِجُ لَهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ كِتَٰبٗا يَلۡقَىٰهُ مَنشُورًا
13. Qof walbaana waxaan laasiminnay camalkiisa (loo qoray) luquntiisa, Waxaana u soo saari Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi isagoo fidsan7.
7. Mar nin baa weydiiyey Nabiga s.c.w. : Camal kee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi: Salaadda oo la tukado waqtigeeda hore. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: U sama falka waalidka. Wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Jihaadka Jidka Alle. W.w. Al-Bukhaari
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱقۡرَأۡ كِتَٰبَكَ كَفَىٰ بِنَفۡسِكَ ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكَ حَسِيبٗا
14. (Waxaa lagu odhan) Akhri Kitaabkaaga, adigaa isugu filan maanta xisaabiye ahaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
مَّنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۗ وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبۡعَثَ رَسُولٗا
15. Qofkii hanuuna, wuxuu u hunuunay naftiisa. Kii lumaana8, wuxuu uun u lumay naftiisa. Mana qaaddo nafi, denbi naf kale, oo ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul (u diga).
8. Kaddib markaan kala tusnay labada dhabbood kan khayrka iyo kan sharka, waxaan uga dhignay mas’uul kan uu dooran iyo ka talinta aayahiisa.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِذَآ أَرَدۡنَآ أَن نُّهۡلِكَ قَرۡيَةً أَمَرۡنَا مُتۡرَفِيهَا فَفَسَقُواْ فِيهَا فَحَقَّ عَلَيۡهَا ٱلۡقَوۡلُ فَدَمَّرۡنَٰهَا تَدۡمِيرٗا
16. Markaan doonnona inaan halaagno magaalo, Waxaan u dirnaa Amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay Alle adeecaan) markaasay ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka (cadaabka) oo aan burburinnaa burburin dhan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِنَ ٱلۡقُرُونِ مِنۢ بَعۡدِ نُوحٖۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا
17. Immisaanu halaagnay facyo Nuux ka dambow! Rabbigaa baana ku filan inuu yahay Kan denbiyada addoomihi Ogsoon ee Arka.
Arabic explanations of the Qur’an:
 
Translation of the meanings Surah: Al-Isrā’
Surahs’ Index Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Translations’ Index

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

close