[1]. Masjidka Al-Aqsaa ee ku yaal Qudus iyo degaannada hareerahiisa ah uu Alle ku barakeeyey inuu ka soo bixiyey anbiyada badankood, deggaannadaas oo ah dhul wanaagsan oo khayr badan.
[2]. Waa inaad ku kalsoonaataan oo isku halleysaan Alle oo tala saarataan idinkoo yaqiinsan inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa yahay Kan haya wax iyo arrin walba xilkood oo idin xafida.
[3]. Horay ugu sheegnay waxyi ahaan Kitaabka Towraadda waxay falayaan.
[4]. Jaaluut iyo ciidankiisa.
[5]. Cadaabka loogu gooddiyey midka hore labadoodii caasiyoobid, Iyagoo ku xadgudbaya xurmadda guryahooda, inay baaraan, wax dilaan oo baabbi’yiaan.
[6]. Bukhtanassar iyo ciidankiisa.