للإطلاع على الموقع بحلته الجديدة

ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب * - فهرس التراجم

XML CSV Excel API
تنزيل الملفات يتضمن الموافقة على هذه الشروط والسياسات

ترجمة معاني سورة: الإسراء   آية:
إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّ فَضۡلَهُۥ كَانَ عَلَيۡكَ كَبِيرٗا
87. Naxariis maahee xagga Rabbigaa ah. Fadligiisu korkaaga (Nabiyow) waa mid aad u weyn.
التفاسير العربية:
قُل لَّئِنِ ٱجۡتَمَعَتِ ٱلۡإِنسُ وَٱلۡجِنُّ عَلَىٰٓ أَن يَأۡتُواْ بِمِثۡلِ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لَا يَأۡتُونَ بِمِثۡلِهِۦ وَلَوۡ كَانَ بَعۡضُهُمۡ لِبَعۡضٖ ظَهِيرٗا
88. Dheh: Hadday dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa hadduu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab.
التفاسير العربية:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖ فَأَبَىٰٓ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورٗا
89. Waxaan dhab ahaan ugu faahfaahinnay dadka Qur'aankaan dhexdiisa nooc kasta oo tusaale ah, wayse diideen dadka badankiisu waxaan ahayn Xaq diiddo iyo gaalnimo.
التفاسير العربية:
وَقَالُواْ لَن نُّؤۡمِنَ لَكَ حَتَّىٰ تَفۡجُرَ لَنَا مِنَ ٱلۡأَرۡضِ يَنۢبُوعًا
90. Waxayna yidhaahdeen: ku rumeyn meyno jeer aad nooga burqiso dhulka ilo;
التفاسير العربية:
أَوۡ تَكُونَ لَكَ جَنَّةٞ مِّن نَّخِيلٖ وَعِنَبٖ فَتُفَجِّرَ ٱلۡأَنۡهَٰرَ خِلَٰلَهَا تَفۡجِيرًا
91. Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah oo aad ka burqiso webiyo durdur ah dhexdooda burqin.
التفاسير العربية:
أَوۡ تُسۡقِطَ ٱلسَّمَآءَ كَمَا زَعَمۡتَ عَلَيۡنَا كِسَفًا أَوۡ تَأۡتِيَ بِٱللَّهِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ قَبِيلًا
92. Ama aad nagu soo riddo cirka sida aad sheegatay isagoo gaballo googga'an ah, ama aad keento Alle iyo malaa’igta hortayada fool ka fool.
التفاسير العربية:
أَوۡ يَكُونَ لَكَ بَيۡتٞ مِّن زُخۡرُفٍ أَوۡ تَرۡقَىٰ فِي ٱلسَّمَآءِ وَلَن نُّؤۡمِنَ لِرُقِيِّكَ حَتَّىٰ تُنَزِّلَ عَلَيۡنَا كِتَٰبٗا نَّقۡرَؤُهُۥۗ قُلۡ سُبۡحَانَ رَبِّي هَلۡ كُنتُ إِلَّا بَشَرٗا رَّسُولٗا
93. Amaba aad yeelato guri ka sameysan dahab ama aad korto cirka, rumeyn meynona koriddaada jeer aad noogaga soo dejisid Kitaab aan akhrinno. Dheh: Xurmad Rabbigay baa iska leh oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan). Ma waxaan ahay waxaan ahayn aadmi Rasuul ah?
التفاسير العربية:
وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤۡمِنُوٓاْ إِذۡ جَآءَهُمُ ٱلۡهُدَىٰٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَبَعَثَ ٱللَّهُ بَشَرٗا رَّسُولٗا
94. Waxna uma diidin dadka rumeynta markuu hanuunku u yimid oo aan ahayn inay yidhaahdeen: Ma wuxuu Alle soo diray aadmi Rasuul ah?
التفاسير العربية:
قُل لَّوۡ كَانَ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَلَٰٓئِكَةٞ يَمۡشُونَ مُطۡمَئِنِّينَ لَنَزَّلۡنَا عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَلَكٗا رَّسُولٗا
95. Dheh: Hadday jiri lahaayeen dhulka, malaa’ig ku maraysa nabad oo deggan25, Waxaan uga soo dejin laheyn cirka malag Rasuul ah.
25. Macnaha waa malaa’ig deggan oo ku sugan dhulka, sida dadku yihiin.
التفاسير العربية:
قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرَۢا بَصِيرٗا
96. Dheh: Alle baa ku filan markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Hubaal Waa uu ka War hayaa addoomahiisa, Arkaa.
التفاسير العربية:
 
ترجمة معاني سورة: الإسراء
فهرس السور رقم الصفحة
 
ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب - فهرس التراجم

ترجمها عبدالله حسن يعقوب.

إغلاق