Check out the new design

ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ * - ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌ߬ߘߊ߬ߟߌ ߝߐߘߊ ߘߏ߫: ߞߙߎߞߊ ߟߎ߬   ߟߝߊߙߌ ߘߏ߫:
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا
63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا
64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠
66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠
67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii39, oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
39. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: “Kuweenna noogu weyn ee madaxda noo ah (culimadeenna) iyo amiirradeenna”.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا
68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا
69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا
70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا
71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn 40.
40. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddaad heysato afar tilmaamood waxba kuuma dhimaan wixii ku dhaafa oo adduun ah: Dhowrista ammaanada, hadal run ah oo aad mar waliba ku hadasho, dabeecad san, iyo xalaal quudasho.”
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا
72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen (Culeyska amaanada41). Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga42. Waa dulmi badane, jahli badan.
41. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Alle iyo Rusushiisa.
42. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا
73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka43. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
43. Waa sababta loogu oggolaaday dadka inay qaadaan amaanadaa.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
 
ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌ߬ߘߊ߬ߟߌ ߝߐߘߊ ߘߏ߫: ߞߙߎߞߊ ߟߎ߬
ߝߐߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ
 
ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ - ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ

ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ ߟߊ߫ ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߋ߬.

ߘߊߕߎ߲߯ߠߌ߲