Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ   አንቀጽ:
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا
63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا
64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا
65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠
66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠
67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii39, oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
39. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: “Kuweenna noogu weyn ee madaxda noo ah (culimadeenna) iyo amiirradeenna”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا
68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا
69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا
70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا
71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn 40.
40. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddaad heysato afar tilmaamood waxba kuuma dhimaan wixii ku dhaafa oo adduun ah: Dhowrista ammaanada, hadal run ah oo aad mar waliba ku hadasho, dabeecad san, iyo xalaal quudasho.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا
72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen (Culeyska amaanada41). Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga42. Waa dulmi badane, jahli badan.
41. Aqbalaadda waajibyada iyo xilalka iyo adeecidda Alle iyo Rusushiisa.
42. Iyagoo u hanqal taagaya abaalgudkeeda, halka ay illoobaan ciqaabka gabidda qaadista xilka la saaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا
73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka43. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
43. Waa sababta loogu oggolaaday dadka inay qaadaan amaanadaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት