Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ   አንቀጽ:
مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ رِجَالٞ صَدَقُواْ مَا عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ عَلَيۡهِۖ فَمِنۡهُم مَّن قَضَىٰ نَحۡبَهُۥ وَمِنۡهُم مَّن يَنتَظِرُۖ وَمَا بَدَّلُواْ تَبۡدِيلٗا
23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيَجۡزِيَ ٱللَّهُ ٱلصَّٰدِقِينَ بِصِدۡقِهِمۡ وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ إِن شَآءَ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama uga tawbad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَدَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِغَيۡظِهِمۡ لَمۡ يَنَالُواْ خَيۡرٗاۚ وَكَفَى ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلۡقِتَالَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزٗا
25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan. Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنزَلَ ٱلَّذِينَ ظَٰهَرُوهُم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مِن صَيَاصِيهِمۡ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعۡبَ فَرِيقٗا تَقۡتُلُونَ وَتَأۡسِرُونَ فَرِيقٗا
26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka19 ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.
19. Waa Yuhuuddii Banii Quraydah ee uga baxay ballanka Muslimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَوۡرَثَكُمۡ أَرۡضَهُمۡ وَدِيَٰرَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُمۡ وَأَرۡضٗا لَّمۡ تَطَـُٔوهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا
27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin21. Alle wax walba wuu Karaa.
20. Kaddib markay kala tageen kooxihii isa soo baheystey, wuxuu Alle amray Nabigiisa inay duullaan ku qaadaan banii Quraydah, qabiil Yahuud ah oo wax ka degganaa Madiinah oo kaga baxay Muslimiinta axdigii ay wada galeen, oo gacan siiyey cadowgooda, markaasay hareereeyeen, markaasaa la laayey wixii dagaal geli karay, oo la soo qafaashay haweenka iyo carruurtoodii.
21. Arladaasoo ay galeen ciidanka Muslimiinta, oo ay ku furteen duullaamo xigay duullaankaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ إِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتَهَا فَتَعَالَيۡنَ أُمَتِّعۡكُنَّ وَأُسَرِّحۡكُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا
28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ فَإِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡمُحۡسِنَٰتِ مِنكُنَّ أَجۡرًا عَظِيمٗا
29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ مَن يَأۡتِ مِنكُنَّ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖ يُضَٰعَفۡ لَهَا ٱلۡعَذَابُ ضِعۡفَيۡنِۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا
30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labolaabi cadaabka. Arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት