Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ   አንቀጽ:
لَّا جُنَاحَ عَلَيۡهِنَّ فِيٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُنَّۗ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا
55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.
35. Way u bannaan tahay haweeni inay uga hor muuqato kuwaasi aan gayin abadkood iyadoo aan xirneyn xijaab kaamil ah, iyo inay la keliyowdo. Labada waalid walaalahood (adeerradda iyo abtiyada) waxay soo galayaan aabbayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ وَمَلَٰٓئِكَتَهُۥ يُصَلُّونَ عَلَى ٱلنَّبِيِّۚ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ صَلُّواْ عَلَيۡهِ وَسَلِّمُواْ تَسۡلِيمًا
56. Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga36, ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan37.
36. Ku sallinta uu Alle ku salliyo Nabigiisa waa inuu ammaano oo siiyo naxariistiisa oo barakeeyo, oo kor yeelo meeqaankiisa, salliga malaa’igtana waa inay u weydiiyaan denbi dhaaf Alle, tan mu’miniinta waa duco inuu Alle barakeeyo, u naxariisto.
37. Inuu ka nabad ahaado xumaan kasta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابٗا مُّهِينٗا
57. Kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ بِغَيۡرِ مَا ٱكۡتَسَبُواْ فَقَدِ ٱحۡتَمَلُواْ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا
58. Kuwa ku dhibana mu’miniinta iyo mu’minaatka wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ يُدۡنِينَ عَلَيۡهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يُعۡرَفۡنَ فَلَا يُؤۡذَيۡنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا
59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ لَّئِن لَّمۡ يَنتَهِ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡمُرۡجِفُونَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لَنُغۡرِيَنَّكَ بِهِمۡ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَآ إِلَّا قَلِيلٗا
60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka38 iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.
38. Waxaa loola jeedaa kuwaasi jecel falidda zinada ama xumaha la midka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّلۡعُونِينَۖ أَيۡنَمَا ثُقِفُوٓاْ أُخِذُواْ وَقُتِّلُواْ تَقۡتِيلٗا
61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا
62. Waa hannaankii Alle ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heleysid hannaanka Alle wax is beddel ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት