Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ   አንቀጽ:
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمۡ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٖ وَإِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَۖ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا
7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Oo ka qaadnay ballan adag.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيَسۡـَٔلَ ٱلصَّٰدِقِينَ عَن صِدۡقِهِمۡۚ وَأَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا
8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda7, Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.
7. Si uu u weydiiyo Anbiyada waxa ay soo gaarsiiyeen dadkooda iyo sida loogu jawaabay. Runlowyada waxaa sidoo kale loola jeedi karaa kuwaasi rumeeyey dhambaalka ay soo gaarsiiyeen anbiyadooda oo sii gaarsiiyey dadka kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ جَآءَتۡكُمۡ جُنُودٞ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا وَجُنُودٗا لَّمۡ تَرَوۡهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا
9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idin yimaadeen ciidammo8, markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag, Allena waxaad fashaan wuu Arkaa.
8. Aayaddan waxay ka hadleysaa qisada axzaabtii, waana kooxo lagu jabiyey dagaalkii Godka, waayo waxay ka hor yimaadeen Alle iyo Rasuulkiisa. Waxaana loola jeedaa askar aydan arkin malaa’igta, wuxuu Allaah u soo diray inay halaagaan cadowyadiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ جَآءُوكُم مِّن فَوۡقِكُمۡ وَمِنۡ أَسۡفَلَ مِنكُمۡ وَإِذۡ زَاغَتِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلۡقُلُوبُ ٱلۡحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠
10 (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُنَالِكَ ٱبۡتُلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَزُلۡزِلُواْ زِلۡزَالٗا شَدِيدٗا
11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورٗا
12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka (iimaankoodu daciif yahay) lahaayeen: Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen (oo guul ah) waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ يَٰٓأَهۡلَ يَثۡرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمۡ فَٱرۡجِعُواْۚ وَيَسۡتَـٔۡذِنُ فَرِيقٞ مِّنۡهُمُ ٱلنَّبِيَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوۡرَةٞ وَمَا هِيَ بِعَوۡرَةٍۖ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارٗا
13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow9! Halkaan joogitaan idiin ma leh ee noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.
9. Yathrib waa magacii hore ee loo yaqiin Madiinah ka hor imaanshaha Nabiga s.c.w.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ دُخِلَتۡ عَلَيۡهِم مِّنۡ أَقۡطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُواْ ٱلۡفِتۡنَةَ لَأٓتَوۡهَا وَمَا تَلَبَّثُواْ بِهَآ إِلَّا يَسِيرٗا
14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana laba laabeeyeen wax yar mooyee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ كَانُواْ عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلۡأَدۡبَٰرَۚ وَكَانَ عَهۡدُ ٱللَّهِ مَسۡـُٔولٗا
15. Oo waxay horay axdi kula galeen Alle inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka), Axdiga Allena waa mid lays weydiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል አሕዛብ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት