[6]. Si uu u weydiiyo Anbiyada waxa ay soo gaarsiiyeen dadkooda iyo sida loogu jawaabay. Runlowyada waxaa sidoo kale loola jeedi karaa kuwaasi rumeeyey dhambaalka ay soo gaarsiiyeen anbiyadooda oo sii gaarsiiyey dadka kale.
[7]. Aayaddan waxay ka hadleysaa qisada axzaabtii, waana kooxo lagu jabiyey dagaalkii Godka, waayo waxay ka hor yimaadeen Alle iyo Rasuulkiisa. Waxaana loola jeedaa ciidammo aydan arkin malaa’igta, wuxuu Allaah u soo diray inay halaagaan cadowyadiisa.
[8]. Iimaankoodu daciif yahay.
[9]. Yathrib waa magacii hore ee loo yaqiin Madiinah ka hor imaanshaha Nabiga s.c.w.