Check out the new design

ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ * - ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌ߬ߘߊ߬ߟߌ ߝߐߘߊ ߘߏ߫: ߛߎ߬ߡߊ߲߬ߝߍ   ߟߝߊߙߌ ߘߏ߫:
يُرِيدُونَ أَن يَخۡرُجُواْ مِنَ ٱلنَّارِ وَمَا هُم بِخَٰرِجِينَ مِنۡهَاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّقِيمٞ
37. Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, kamana baxaan xaggeeda, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
وَٱلسَّارِقُ وَٱلسَّارِقَةُ فَٱقۡطَعُوٓاْ أَيۡدِيَهُمَا جَزَآءَۢ بِمَا كَسَبَا نَكَٰلٗا مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
38. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahoo- da, ciqaab ahaan waxay kasbadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Alle. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
فَمَن تَابَ مِنۢ بَعۡدِ ظُلۡمِهِۦ وَأَصۡلَحَ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَتُوبُ عَلَيۡهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
39. Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Alle wuu ka toobad aqbali. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
40. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabi qofkuu doono oo u denbi dhaafi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ لَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِ مِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَلَمۡ تُؤۡمِن قُلُوبُهُمۡۛ وَمِنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْۛ سَمَّٰعُونَ لِلۡكَذِبِ سَمَّٰعُونَ لِقَوۡمٍ ءَاخَرِينَ لَمۡ يَأۡتُوكَۖ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ مِنۢ بَعۡدِ مَوَاضِعِهِۦۖ يَقُولُونَ إِنۡ أُوتِيتُمۡ هَٰذَا فَخُذُوهُ وَإِن لَّمۡ تُؤۡتَوۡهُ فَٱحۡذَرُواْۚ وَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ فِتۡنَتَهُۥ فَلَن تَمۡلِكَ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمۡۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٞ
41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan10. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday) qaata, haddiise aan la idin siinin (oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal), markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkii uu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab daran.
10. Yuhuudda waa kuwo ka dhageysta been culimadooda aan la kulmin Nabiga s.c.w. ama waxay dhageystaan hadalka Nabiga s.c.w. kaddib waxay ugu gudbiyaan culimadooda iyo asxaabtooda si been ah.
ߊߙߊߓߎߞߊ߲ߡߊ ߞߘߐߦߌߘߊ ߟߎ߬:
 
ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌ߬ߘߊ߬ߟߌ ߝߐߘߊ ߘߏ߫: ߛߎ߬ߡߊ߲߬ߝߍ
ߝߐߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ
 
ߞߎ߬ߙߣߊ߬ ߞߟߊߒߞߋ ߞߘߐ ߟߎ߬ ߘߟߊߡߌߘߊ - ߛߏߡߊߟߌߞߊ߲ ߘߟߊߡߌߘߊߟߌ - ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ - ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߎ߫ ߦߌ߬ߘߊ߬ߥߟߊ

ߊ߳ߺߊߓߑߘߎ߫ ߊ.ߟߟߊ߯ߤߌ߫ ߤ߭ߛߊߣߎ߲߫ ߦߊ߰ߞߎߓߊ߫ ߟߊ߫ ߘߟߊߡߌߘߊ ߟߋ߬.

ߘߊߕߎ߲߯ߠߌ߲