Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
يُرِيدُونَ أَن يَخۡرُجُواْ مِنَ ٱلنَّارِ وَمَا هُم بِخَٰرِجِينَ مِنۡهَاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّقِيمٞ
37. Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, kamana baxaan xaggeeda, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلسَّارِقُ وَٱلسَّارِقَةُ فَٱقۡطَعُوٓاْ أَيۡدِيَهُمَا جَزَآءَۢ بِمَا كَسَبَا نَكَٰلٗا مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
38. Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahoo- da, ciqaab ahaan waxay kasbadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Alle. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَن تَابَ مِنۢ بَعۡدِ ظُلۡمِهِۦ وَأَصۡلَحَ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَتُوبُ عَلَيۡهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
39. Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), Alle wuu ka toobad aqbali. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
40. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabi qofkuu doono oo u denbi dhaafi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ لَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِ مِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَلَمۡ تُؤۡمِن قُلُوبُهُمۡۛ وَمِنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْۛ سَمَّٰعُونَ لِلۡكَذِبِ سَمَّٰعُونَ لِقَوۡمٍ ءَاخَرِينَ لَمۡ يَأۡتُوكَۖ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ مِنۢ بَعۡدِ مَوَاضِعِهِۦۖ يَقُولُونَ إِنۡ أُوتِيتُمۡ هَٰذَا فَخُذُوهُ وَإِن لَّمۡ تُؤۡتَوۡهُ فَٱحۡذَرُواْۚ وَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ فِتۡنَتَهُۥ فَلَن تَمۡلِكَ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمۡۚ لَهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا خِزۡيٞۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٞ
41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah munaafiqiinta ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeynay, quluubtooduse aanay rumeyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa heysta Yuhuudiyada, waa aad u dhageystayaal beenta - dhageysta dad kale aan kuu imaan10. Waxay ka duwaan ereyada (Xukunnada sharciga) meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan oo ah in la jeedalo kuwa zinaysta ee horey u soo guursaday) qaata, haddiise aan la idin siinin (oo ay tahay in dhagax lagu dilo sida Towraadda ku taal), markaa (ha qaadannina oo) digtoonaada. Qofkii uu Alle doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Alle, kuwaasi weeye kuwa uusan Alle doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay leeyihiin adduunyada dulli, waxayna leeyihiin Aakhirada Cadaab daran.
10. Yuhuudda waa kuwo ka dhageysta been culimadooda aan la kulmin Nabiga s.c.w. ama waxay dhageystaan hadalka Nabiga s.c.w. kaddib waxay ugu gudbiyaan culimadooda iyo asxaabtooda si been ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት