Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلۡيَهُودَ وَٱلنَّصَٰرَىٰٓ أَوۡلِيَآءَۘ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمۡ فَإِنَّهُۥ مِنۡهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
51. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada gacallo iyo sokeeyayaal, iyagaa qaarkoodba sokeeye u ah qaarka kale, qofkii idinka mid ah ee ka dhigta sokeeye, wuxuu ka mid yahay iyaga. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (madaxa adag).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَرَى ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يُسَٰرِعُونَ فِيهِمۡ يَقُولُونَ نَخۡشَىٰٓ أَن تُصِيبَنَا دَآئِرَةٞۚ فَعَسَى ٱللَّهُ أَن يَأۡتِيَ بِٱلۡفَتۡحِ أَوۡ أَمۡرٖ مِّنۡ عِندِهِۦ فَيُصۡبِحُواْ عَلَىٰ مَآ أَسَرُّواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ نَٰدِمِينَ
52. Waxaad arki kuwa uu quluubtooda ku jiro cudur (shaki, nifaaq, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Alle keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwo waxay ku qarsanayeen nafahooda ka shallaaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَهَٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ أَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ إِنَّهُمۡ لَمَعَكُمۡۚ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَأَصۡبَحُواْ خَٰسِرِينَ
53. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Alle dhaarahooda midda ugu culus inay idin la jireen? Acmaashooda waxba kama jiraan, waxayna ahaadeen kuwo khasaaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَن يَرۡتَدَّ مِنكُمۡ عَن دِينِهِۦ فَسَوۡفَ يَأۡتِي ٱللَّهُ بِقَوۡمٖ يُحِبُّهُمۡ وَيُحِبُّونَهُۥٓ أَذِلَّةٍ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ أَعِزَّةٍ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ يُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَا يَخَافُونَ لَوۡمَةَ لَآئِمٖۚ ذَٰلِكَ فَضۡلُ ٱللَّهِ يُؤۡتِيهِ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ
54. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, wuxuu Alle keeni qolo uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u jihaada Jidka Alle, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kaasi waa Fadliga Alle, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا وَلِيُّكُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُمۡ رَٰكِعُونَ
55. Sideedaba Gargaarahiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey - kuwa ooga salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن يَتَوَلَّ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فَإِنَّ حِزۡبَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
56. Qofkii sokeeye ka dhigta Alle iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeeyey, hubaal xisbiga Alle waa iyaga kuwa lib heli.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ دِينَكُمۡ هُزُوٗا وَلَعِبٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَٱلۡكُفَّارَ أَوۡلِيَآءَۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ
57. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaalada (mushrikiinta ah) sokeeye. Alle ka cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት