Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
وَحَسِبُوٓاْ أَلَّا تَكُونَ فِتۡنَةٞ فَعَمُواْ وَصَمُّواْ ثُمَّ تَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ ثُمَّ عَمُواْ وَصَمُّواْ كَثِيرٞ مِّنۡهُمۡۚ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
71. Waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa), haddana Alle wuu ka toobad aqbalay, haddana in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa). Alle wuu arkaa waxay falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ وَقَالَ ٱلۡمَسِيحُ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمۡۖ إِنَّهُۥ مَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ حَرَّمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ ٱلۡجَنَّةَ وَمَأۡوَىٰهُ ٱلنَّارُۖ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٖ
72. Dhabtii waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuse wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya Alle (cibaadada), wuxuu Alle ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiintuna ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ ثَالِثُ ثَلَٰثَةٖۘ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّآ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۚ وَإِن لَّمۡ يَنتَهُواْ عَمَّا يَقُولُونَ لَيَمَسَّنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
73. Dhabtii waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah (xaq ah) aan ahayn Alle Keliya. Haddayna ka hari waayaan waxay leeyihiin, waxaa taaban kuwa gaaloobay oo ka mid ah cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَا يَتُوبُونَ إِلَى ٱللَّهِ وَيَسۡتَغۡفِرُونَهُۥۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
74. Miyeyna u toobad keeneyn Alle oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّا ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُ وَأُمُّهُۥ صِدِّيقَةٞۖ كَانَا يَأۡكُلَانِ ٱلطَّعَامَۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُبَيِّنُ لَهُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ ثُمَّ ٱنظُرۡ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
75. Masiixa ina Maryam ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; waxaa tagey hortiis Rusul badan, hooyadina waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cunnada. Eeg sidaan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَتَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗاۚ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
76. Dheh: Ma waxaad caabudeysaan Alle ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Allena waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ وَلَا تَتَّبِعُوٓاْ أَهۡوَآءَ قَوۡمٖ قَدۡ ضَلُّواْ مِن قَبۡلُ وَأَضَلُّواْ كَثِيرٗا وَضَلُّواْ عَن سَوَآءِ ٱلسَّبِيلِ
77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, hana raacina hawada dad dhumay mar hore, oo in badan dhumiyey, oo ka dhumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት