Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
وَمِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّا نَصَٰرَىٰٓ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَهُمۡ فَنَسُواْ حَظّٗا مِّمَّا ذُكِّرُواْ بِهِۦ فَأَغۡرَيۡنَا بَيۡنَهُمُ ٱلۡعَدَاوَةَ وَٱلۡبَغۡضَآءَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَسَوۡفَ يُنَبِّئُهُمُ ٱللَّهُ بِمَا كَانُواْ يَصۡنَعُونَ
14. Kuwa yidhaahda waxaanu nahay Nasaaro, Waxaan la galnay axdi, wayse dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (heysashada iimaanka iyo camalka wanaagsan). Markaasaan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ah ilaa Maalinta Qiyaamaha, wuxuuna Alle uga warrami doonaa waxay samaynayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ قَدۡ جَآءَكُمۡ رَسُولُنَا يُبَيِّنُ لَكُمۡ كَثِيرٗا مِّمَّا كُنتُمۡ تُخۡفُونَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَيَعۡفُواْ عَن كَثِيرٖۚ قَدۡ جَآءَكُم مِّنَ ٱللَّهِ نُورٞ وَكِتَٰبٞ مُّبِينٞ
15. Ehlu Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxaad qariseen ee Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka midka ah (sida tilmaamaha Nabi Muxammad), oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Alle Nuur iyo Kitaab cad (Qur’aanka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَهۡدِي بِهِ ٱللَّهُ مَنِ ٱتَّبَعَ رِضۡوَٰنَهُۥ سُبُلَ ٱلسَّلَٰمِ وَيُخۡرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذۡنِهِۦ وَيَهۡدِيهِمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
16. Uu Alle kula hanuuniyo kan raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, kagana saaro mugdiyada xagga Nuurka Idankii, oo ku hanuunsha Jid Toosan (Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَۚ قُلۡ فَمَن يَمۡلِكُ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا إِنۡ أَرَادَ أَن يُهۡلِكَ ٱلۡمَسِيحَ ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗاۗ وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
17. Dhabtii waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa wax ka tari kara Alle hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? Alle baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት