Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
أُحِلَّ لَكُمۡ صَيۡدُ ٱلۡبَحۡرِ وَطَعَامُهُۥ مَتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِلسَّيَّارَةِۖ وَحُرِّمَ عَلَيۡكُمۡ صَيۡدُ ٱلۡبَرِّ مَا دُمۡتُمۡ حُرُمٗاۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro). Dhowra (amarrada) Alle ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ جَعَلَ ٱللَّهُ ٱلۡكَعۡبَةَ ٱلۡبَيۡتَ ٱلۡحَرَامَ قِيَٰمٗا لِّلنَّاسِ وَٱلشَّهۡرَ ٱلۡحَرَامَ وَٱلۡهَدۡيَ وَٱلۡقَلَٰٓئِدَۚ ذَٰلِكَ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَأَنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ
97. Alle wuxuu u yeelay Kacbada Beytka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bilaha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, arrinkani waa si aad u ogaataan in Alle og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo in Alle Og yahay wax walba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ وَأَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
98. Ogaada in Alle Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Alle Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تُبۡدُونَ وَمَا تَكۡتُمُونَ
99. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dadka Diinta Alle). Alle wuu Ogyahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُل لَّا يَسۡتَوِي ٱلۡخَبِيثُ وَٱلطَّيِّبُ وَلَوۡ أَعۡجَبَكَ كَثۡرَةُ ٱلۡخَبِيثِۚ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
100. Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (amarrada) Alle wax garadkow aad liibaantaane.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَسۡـَٔلُواْ عَنۡ أَشۡيَآءَ إِن تُبۡدَ لَكُمۡ تَسُؤۡكُمۡ وَإِن تَسۡـَٔلُواْ عَنۡهَا حِينَ يُنَزَّلُ ٱلۡقُرۡءَانُ تُبۡدَ لَكُمۡ عَفَا ٱللَّهُ عَنۡهَاۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ حَلِيمٞ
101. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo dejinayo waa la idiin caddeyn, Alle wuu idinka cafiyey. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَدۡ سَأَلَهَا قَوۡمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡ ثُمَّ أَصۡبَحُواْ بِهَا كَٰفِرِينَ
102. Dad idinka horreeyey baa keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo Xaqa diida oo ku gaalooba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا جَعَلَ ٱللَّهُ مِنۢ بَحِيرَةٖ وَلَا سَآئِبَةٖ وَلَا وَصِيلَةٖ وَلَا حَامٖ وَلَٰكِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۖ وَأَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
103. Ma uusan amrin Alle (yeelashada) Baxiirah [20] ama Saa’ ibah [21] ama Wasiilah [22] ama Xaam [23] gaaladuse waxay ka been sheegaan Alle, badankooduna ma laha garasho.
20. Xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo.
21. Xoolo sanamyada dartood loo sii daayo.
22. Xoolo sanamyada lagu sadaqeysto. 
23. Riti sanamyada loo daayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት