Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: El Maide   Ajeti:
أُحِلَّ لَكُمۡ صَيۡدُ ٱلۡبَحۡرِ وَطَعَامُهُۥ مَتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِلسَّيَّارَةِۖ وَحُرِّمَ عَلَيۡكُمۡ صَيۡدُ ٱلۡبَرِّ مَا دُمۡتُمۡ حُرُمٗاۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba - sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro). Dhowra (amarrada) Alle ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin.
Tefsiret në gjuhën arabe:
۞ جَعَلَ ٱللَّهُ ٱلۡكَعۡبَةَ ٱلۡبَيۡتَ ٱلۡحَرَامَ قِيَٰمٗا لِّلنَّاسِ وَٱلشَّهۡرَ ٱلۡحَرَامَ وَٱلۡهَدۡيَ وَٱلۡقَلَٰٓئِدَۚ ذَٰلِكَ لِتَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَأَنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ
97. Alle wuxuu u yeelay Kacbada Beytka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bilaha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, arrinkani waa si aad u ogaataan in Alle og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, iyo in Alle Og yahay wax walba.
Tefsiret në gjuhën arabe:
ٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ وَأَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
98. Ogaada in Alle Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Alle Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.
Tefsiret në gjuhën arabe:
مَّا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تُبۡدُونَ وَمَا تَكۡتُمُونَ
99. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dadka Diinta Alle). Alle wuu Ogyahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaanba.
Tefsiret në gjuhën arabe:
قُل لَّا يَسۡتَوِي ٱلۡخَبِيثُ وَٱلطَّيِّبُ وَلَوۡ أَعۡجَبَكَ كَثۡرَةُ ٱلۡخَبِيثِۚ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ يَٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
100. Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (amarrada) Alle wax garadkow aad liibaantaane.
Tefsiret në gjuhën arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَسۡـَٔلُواْ عَنۡ أَشۡيَآءَ إِن تُبۡدَ لَكُمۡ تَسُؤۡكُمۡ وَإِن تَسۡـَٔلُواْ عَنۡهَا حِينَ يُنَزَّلُ ٱلۡقُرۡءَانُ تُبۡدَ لَكُمۡ عَفَا ٱللَّهُ عَنۡهَاۗ وَٱللَّهُ غَفُورٌ حَلِيمٞ
101. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo dejinayo waa la idiin caddeyn, Alle wuu idinka cafiyey. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
قَدۡ سَأَلَهَا قَوۡمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡ ثُمَّ أَصۡبَحُواْ بِهَا كَٰفِرِينَ
102. Dad idinka horreeyey baa keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo Xaqa diida oo ku gaalooba.
Tefsiret në gjuhën arabe:
مَا جَعَلَ ٱللَّهُ مِنۢ بَحِيرَةٖ وَلَا سَآئِبَةٖ وَلَا وَصِيلَةٖ وَلَا حَامٖ وَلَٰكِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَۖ وَأَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ
103. Ma uusan amrin Alle (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) gaaladuse waxay ka been sheegaan Alle, badankooduna ma laha garasho.
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: El Maide
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll