Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
وَلَوۡ أَنَّ أَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَكَفَّرۡنَا عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَأَدۡخَلۡنَٰهُمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
65. Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (shirkiga iyo denbiyada kale ee waaweyn) waxaan u asturi lahayn xumahooda (denbiyadooda yar yar), waxaana galin laheyn beero barwaaqo ah (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ أَنَّهُمۡ أَقَامُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِم مِّن رَّبِّهِمۡ لَأَكَلُواْ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۚ مِّنۡهُمۡ أُمَّةٞ مُّقۡتَصِدَةٞۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ سَآءَ مَا يَعۡمَلُونَ
66. Hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo dejiyey xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxay falaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ بَلِّغۡ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۖ وَإِن لَّمۡ تَفۡعَلۡ فَمَا بَلَّغۡتَ رِسَالَتَهُۥۚ وَٱللَّهُ يَعۡصِمُكَ مِنَ ٱلنَّاسِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
67. Rasuulkow! Gaarsii (dadka) waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa. Haddaadan falin, ma aadan gaarsiin Fartiintiisa. Alle baana kaa ilaalin dadka. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah (ee madaxa adag).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَسۡتُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍ حَتَّىٰ تُقِيمُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُمۡۗ وَلَيَزِيدَنَّ كَثِيرٗا مِّنۡهُم مَّآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ طُغۡيَٰنٗا وَكُفۡرٗاۖ فَلَا تَأۡسَ عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
68. Dheh: Ehlu-kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka); wuxuuna u kordhin in badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon qoloda gaalada ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلصَّٰبِـُٔونَ وَٱلنَّصَٰرَىٰ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
69. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan), kuwii heystay Yuhuudiyadda, Saabbi’iintii, iyo Nasaaradii (ahaa Nabi Muxammad horti) - qofkii rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo sama falay, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ رُسُلٗاۖ كُلَّمَا جَآءَهُمۡ رَسُولُۢ بِمَا لَا تَهۡوَىٰٓ أَنفُسُهُمۡ فَرِيقٗا كَذَّبُواْ وَفَرِيقٗا يَقۡتُلُونَ
70. Dhabtii waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, qaarna way dileen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት