Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 食卓章   節:
وَلَوۡ أَنَّ أَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَكَفَّرۡنَا عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَأَدۡخَلۡنَٰهُمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
65. Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (shirkiga iyo denbiyada kale ee waaweyn) waxaan u asturi lahayn xumahooda (denbiyada yar yar), waxaana galin laheyn beero barwaaqo ah (Janno).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَوۡ أَنَّهُمۡ أَقَامُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِم مِّن رَّبِّهِمۡ لَأَكَلُواْ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۚ مِّنۡهُمۡ أُمَّةٞ مُّقۡتَصِدَةٞۖ وَكَثِيرٞ مِّنۡهُمۡ سَآءَ مَا يَعۡمَلُونَ
66. Hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo dejiyey xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxay falaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ بَلِّغۡ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۖ وَإِن لَّمۡ تَفۡعَلۡ فَمَا بَلَّغۡتَ رِسَالَتَهُۥۚ وَٱللَّهُ يَعۡصِمُكَ مِنَ ٱلنَّاسِۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
67. Rasuulkow! Gaarsii (dadka) waxa lagaaga soo dejiyey oo Waxyi ah xagga Rabbigaa. Haddaadan falin, ma aadan gaarsiin Fartiintiisa. Alle baana kaa ilaalin dadka. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah (ee madaxa adag).
アラビア語 クルアーン注釈:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَسۡتُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍ حَتَّىٰ تُقِيمُواْ ٱلتَّوۡرَىٰةَ وَٱلۡإِنجِيلَ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُمۡۗ وَلَيَزِيدَنَّ كَثِيرٗا مِّنۡهُم مَّآ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ طُغۡيَٰنٗا وَكُفۡرٗاۖ فَلَا تَأۡسَ عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
68. Dheh: Ehlu-kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka); wuxuuna u kordhin in badan oo ka mid ah iyaga waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon qoloda gaalada ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلصَّٰبِـُٔونَ وَٱلنَّصَٰرَىٰ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
69. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan), kuwii heystay Yuhuudiyadda, Saabbi’iintii, iyo Nasaaradii (ahaa Nabi Muxammad horti) - qofkii rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo sama falay, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَقَدۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَأَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ رُسُلٗاۖ كُلَّمَا جَآءَهُمۡ رَسُولُۢ بِمَا لَا تَهۡوَىٰٓ أَنفُسُهُمۡ فَرِيقٗا كَذَّبُواْ وَفَرِيقٗا يَقۡتُلُونَ
70. Dhabtii waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, qaarna way dileen.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 食卓章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる