Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 食卓章   節:
إِنَّمَا يُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُوقِعَ بَيۡنَكُمُ ٱلۡعَدَٰوَةَ وَٱلۡبَغۡضَآءَ فِي ٱلۡخَمۡرِ وَٱلۡمَيۡسِرِ وَيَصُدَّكُمۡ عَن ذِكۡرِ ٱللَّهِ وَعَنِ ٱلصَّلَوٰةِۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّنتَهُونَ
91. Shaydaan wuxuu rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Alle iyo salaadda, ee ma ka joogeysaan?
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَٱحۡذَرُواْۚ فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
92. Adeeca Alle adeecana Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad jeedsataan, ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad.
アラビア語 クルアーン注釈:
لَيۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جُنَاحٞ فِيمَا طَعِمُوٓاْ إِذَا مَا ٱتَّقَواْ وَّءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ ثُمَّ ٱتَّقَواْ وَّءَامَنُواْ ثُمَّ ٱتَّقَواْ وَّأَحۡسَنُواْۚ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
93. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday iska jiraan xumaha (oo gutaan waajibyada Alle saaray), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibyada saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَيَبۡلُوَنَّكُمُ ٱللَّهُ بِشَيۡءٖ مِّنَ ٱلصَّيۡدِ تَنَالُهُۥٓ أَيۡدِيكُمۡ وَرِمَاحُكُمۡ لِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَخَافُهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ فَمَنِ ٱعۡتَدَىٰ بَعۡدَ ذَٰلِكَ فَلَهُۥ عَذَابٌ أَلِيمٞ
94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu Alle idinku imtixaani wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Alle u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
アラビア語 クルアーン注釈:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡتُلُواْ ٱلصَّيۡدَ وَأَنتُمۡ حُرُمٞۚ وَمَن قَتَلَهُۥ مِنكُم مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآءٞ مِّثۡلُ مَا قَتَلَ مِنَ ٱلنَّعَمِ يَحۡكُمُ بِهِۦ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ هَدۡيَۢا بَٰلِغَ ٱلۡكَعۡبَةِ أَوۡ كَفَّٰرَةٞ طَعَامُ مَسَٰكِينَ أَوۡ عَدۡلُ ذَٰلِكَ صِيَامٗا لِّيَذُوقَ وَبَالَ أَمۡرِهِۦۗ عَفَا ٱللَّهُ عَمَّا سَلَفَۚ وَمَنۡ عَادَ فَيَنتَقِمُ ٱللَّهُ مِنۡهُۚ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ
95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha15 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Alle waa Adkaade, Aar goosi leh.
15. Ugaadha waa isku wada mid kuwa ay bannaan yihiin cunistooda iyo kuwa aanay bannaanayn, marka laga reebo tukaha, dib qallooca, jiirka, iyo eyga falya goyska ah, werinna waxay leedahay waa sidoo kale maska waa la dili karaa iyaga goor kasta.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 食卓章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる