Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
إِنَّمَا يُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُوقِعَ بَيۡنَكُمُ ٱلۡعَدَٰوَةَ وَٱلۡبَغۡضَآءَ فِي ٱلۡخَمۡرِ وَٱلۡمَيۡسِرِ وَيَصُدَّكُمۡ عَن ذِكۡرِ ٱللَّهِ وَعَنِ ٱلصَّلَوٰةِۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّنتَهُونَ
91. Shaydaan wuxuu rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Alle iyo salaadda, ee ma ka joogeysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَٱحۡذَرُواْۚ فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ
92. Adeeca Alle adeecana Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad jeedsataan, ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَيۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جُنَاحٞ فِيمَا طَعِمُوٓاْ إِذَا مَا ٱتَّقَواْ وَّءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ ثُمَّ ٱتَّقَواْ وَّءَامَنُواْ ثُمَّ ٱتَّقَواْ وَّأَحۡسَنُواْۚ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
93. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma jiro wax denbi ahi oo ku saaran waxay cuneen (ama cabbeen intaan la xaaraanti- meyn), hadday iska jiraan xumaha (oo gutaan waajibyada Alle saaray), oo rumeeyaan oo camallo san falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (waajibyada saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَيَبۡلُوَنَّكُمُ ٱللَّهُ بِشَيۡءٖ مِّنَ ٱلصَّيۡدِ تَنَالُهُۥٓ أَيۡدِيكُمۡ وَرِمَاحُكُمۡ لِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ مَن يَخَافُهُۥ بِٱلۡغَيۡبِۚ فَمَنِ ٱعۡتَدَىٰ بَعۡدَ ذَٰلِكَ فَلَهُۥ عَذَابٌ أَلِيمٞ
94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wuxuu Alle idinku imtixaani wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Alle u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡتُلُواْ ٱلصَّيۡدَ وَأَنتُمۡ حُرُمٞۚ وَمَن قَتَلَهُۥ مِنكُم مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآءٞ مِّثۡلُ مَا قَتَلَ مِنَ ٱلنَّعَمِ يَحۡكُمُ بِهِۦ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ هَدۡيَۢا بَٰلِغَ ٱلۡكَعۡبَةِ أَوۡ كَفَّٰرَةٞ طَعَامُ مَسَٰكِينَ أَوۡ عَدۡلُ ذَٰلِكَ صِيَامٗا لِّيَذُوقَ وَبَالَ أَمۡرِهِۦۗ عَفَا ٱللَّهُ عَمَّا سَلَفَۚ وَمَنۡ عَادَ فَيَنتَقِمُ ٱللَّهُ مِنۡهُۚ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ
95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha15 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Alle waa Adkaade, Aar goosi leh.
15. Ugaadha waa isku wada mid kuwa ay bannaan yihiin cunistooda iyo kuwa aanay bannaanayn, marka laga reebo tukaha, dib qallooca, jiirka, iyo eyga falya goyska ah, werinna waxay leedahay waa sidoo kale maska waa la dili karaa iyaga goor kasta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት