Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ   አንቀጽ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ
10. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, waa kuwaa ehlu Naarka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ هَمَّ قَوۡمٌ أَن يَبۡسُطُوٓاْ إِلَيۡكُمۡ أَيۡدِيَهُمۡ فَكَفَّ أَيۡدِيَهُمۡ عَنكُمۡۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
11. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle dushiinna, markay qolo (Cadow idiin ah) goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda ee Alle ka cabsada. Alle uun ha tala saarteen mu’miniintu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَلَقَدۡ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَٰقَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَبَعَثۡنَا مِنۡهُمُ ٱثۡنَيۡ عَشَرَ نَقِيبٗاۖ وَقَالَ ٱللَّهُ إِنِّي مَعَكُمۡۖ لَئِنۡ أَقَمۡتُمُ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَيۡتُمُ ٱلزَّكَوٰةَ وَءَامَنتُم بِرُسُلِي وَعَزَّرۡتُمُوهُمۡ وَأَقۡرَضۡتُمُ ٱللَّهَ قَرۡضًا حَسَنٗا لَّأُكَفِّرَنَّ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَلَأُدۡخِلَنَّكُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ فَمَن كَفَرَ بَعۡدَ ذَٰلِكَ مِنكُمۡ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
12. Wuxuu dhab ahaan Alle la galay axdi Ilmahii Israa'iil, waxaana ka soo saarnay dhexdooda labo iyo toban oday. Wuxuu Alle yidhi: Anigu waa idin la jiraa: haddaad oogtaan salaadda, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda; oo u gargaartaan, oo amaahisaan Alle amaah wanaagsan (waa sadaqo siisaan fuqurada iyo masaakiinta). Waxaan idiin asturi xumaatooyinkiina oo idin gelin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan.Qofkii se gaalooba intaas kaddib oo idinka mid ah, wuxuu ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبِمَا نَقۡضِهِم مِّيثَٰقَهُمۡ لَعَنَّٰهُمۡ وَجَعَلۡنَا قُلُوبَهُمۡ قَٰسِيَةٗۖ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ عَن مَّوَاضِعِهِۦ وَنَسُواْ حَظّٗا مِّمَّا ذُكِّرُواْ بِهِۦۚ وَلَا تَزَالُ تَطَّلِعُ عَلَىٰ خَآئِنَةٖ مِّنۡهُمۡ إِلَّا قَلِيلٗا مِّنۡهُمۡۖ فَٱعۡفُ عَنۡهُمۡ وَٱصۡفَحۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
13. Hase yeeshee ka bixiddooda (Yuhuudda) axdigoodii awgii waan nacladnay oo ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duwaan ereyada (sharciga ee la xiriira tilmaamaha Nabi Muxammad iyo arrimo kale) meelahoodii, waxayna dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah (raacidda Nabi Muxammad); waxaadna ka arki mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, iskagana jeeso. Hubaal, Alle wuxuu jecel yahay sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-ማኢዳህ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት