Check out the new design

قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. * - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: مائىدە   ئايەت:
وَحَسِبُوٓاْ أَلَّا تَكُونَ فِتۡنَةٞ فَعَمُواْ وَصَمُّواْ ثُمَّ تَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ ثُمَّ عَمُواْ وَصَمُّواْ كَثِيرٞ مِّنۡهُمۡۚ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
71. Waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa), haddana Alle wuu ka toobad aqbalay, haddana in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo (ka) indha la’ oo dhega la’ (Xaqa). Allena wuu arkaa waxay falaan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لَقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَۖ وَقَالَ ٱلۡمَسِيحُ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمۡۖ إِنَّهُۥ مَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ حَرَّمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ ٱلۡجَنَّةَ وَمَأۡوَىٰهُ ٱلنَّارُۖ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٖ
72. Dhabtii waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa Masiixa ina Maryam; Masiixuse wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Alle Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiin. Qofkii wax la wadaajiya Alle (cibaadada), wuxuu Alle ka xaaraantinimeeyey Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Daalimiintuna ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada ama u shafeeci).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
لَّقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ ثَالِثُ ثَلَٰثَةٖۘ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّآ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۚ وَإِن لَّمۡ يَنتَهُواْ عَمَّا يَقُولُونَ لَيَمَسَّنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ
73. Dhabtii waa gaalo kuwa yidhaahda: Alle, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah (xaq ah) aan ahayn Alle Keliya. Haddayna ka hari waayaan waxay leeyihiin, waxaa taaban kuwa gaaloobay oo ka mid ah cadaab xanuun badan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
أَفَلَا يَتُوبُونَ إِلَى ٱللَّهِ وَيَسۡتَغۡفِرُونَهُۥۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
74. Miyeyna u toobad keeneyn Alle oo weydiisanayn Denbi Dhaafkiisa? Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
مَّا ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُ وَأُمُّهُۥ صِدِّيقَةٞۖ كَانَا يَأۡكُلَانِ ٱلطَّعَامَۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُبَيِّنُ لَهُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ ثُمَّ ٱنظُرۡ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ
75. Masiixa ina Maryam ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; waxaa tagey hortiis Rusul badan, hooyadina waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cunnada. Eeg sidaan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قُلۡ أَتَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمۡلِكُ لَكُمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗاۚ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
76. Dheh: Ma waxaad caabudeysaan Alle ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Allena waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا تَغۡلُواْ فِي دِينِكُمۡ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ وَلَا تَتَّبِعُوٓاْ أَهۡوَآءَ قَوۡمٖ قَدۡ ضَلُّواْ مِن قَبۡلُ وَأَضَلُّواْ كَثِيرٗا وَضَلُّواْ عَن سَوَآءِ ٱلسَّبِيلِ
77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, hana raacina hawada dad dhumay mar hore, oo in badan dhumiyey, oo ka dhumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
ئەرەپچە تەپسىرلەر:
 
مەنالار تەرجىمىسى سۈرە: مائىدە
سۈرە مۇندەرىجىسى بەت نومۇرى
 
قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ. - تەرجىمىلەر مۇندەرىجىسى

ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ تەرجىمە قىلغان.

تاقاش