ߞߐߜߍ ߝߙߍߕߍ:close

external-link copy
15 : 52

أَفَسِحۡرٌ هَٰذَآ أَمۡ أَنتُمۡ لَا تُبۡصِرُونَ

15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan? info
التفاسير: |

external-link copy
16 : 52

ٱصۡلَوۡهَا فَٱصۡبِرُوٓاْ أَوۡ لَا تَصۡبِرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah). info
التفاسير: |

external-link copy
17 : 52

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَنَعِيمٖ

17. Kuwa ka dhowrsada xumaha [6] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno). info

[6]. Sida shirkiga, dilka gardarrada ah, zinada, ribada, xasadka, xatooyada, sixirka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm.

التفاسير: |

external-link copy
18 : 52

فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ وَوَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ

18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan. info
التفاسير: |

external-link copy
19 : 52

كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

19. (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah). info
التفاسير: |

external-link copy
20 : 52

مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٖ مَّصۡفُوفَةٖۖ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ

20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan). info
التفاسير: |

external-link copy
21 : 52

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱتَّبَعَتۡهُمۡ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلۡحَقۡنَا بِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَمَآ أَلَتۡنَٰهُم مِّنۡ عَمَلِهِم مِّن شَيۡءٖۚ كُلُّ ٱمۡرِيِٕۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٞ

21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa. info
التفاسير: |

external-link copy
22 : 52

وَأَمۡدَدۡنَٰهُم بِفَٰكِهَةٖ وَلَحۡمٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ

22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan. info
التفاسير: |

external-link copy
23 : 52

يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأۡسٗا لَّا لَغۡوٞ فِيهَا وَلَا تَأۡثِيمٞ

23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid. info
التفاسير: |

external-link copy
24 : 52

۞ وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ غِلۡمَانٞ لَّهُمۡ كَأَنَّهُمۡ لُؤۡلُؤٞ مَّكۡنُونٞ

24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray. info
التفاسير: |

external-link copy
25 : 52

وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ

25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan. info
التفاسير: |

external-link copy
26 : 52

قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا قَبۡلُ فِيٓ أَهۡلِنَا مُشۡفِقِينَ

26. Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle). info
التفاسير: |

external-link copy
27 : 52

فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ

27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul. info
التفاسير: |

external-link copy
28 : 52

إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلُ نَدۡعُوهُۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡبَرُّ ٱلرَّحِيمُ

28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan. info
التفاسير: |

external-link copy
29 : 52

فَذَكِّرۡ فَمَآ أَنتَ بِنِعۡمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٖ وَلَا مَجۡنُونٍ

29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna. info
التفاسير: |

external-link copy
30 : 52

أَمۡ يَقُولُونَ شَاعِرٞ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيۡبَ ٱلۡمَنُونِ

30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman [7]. info

[7]. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.

التفاسير: |

external-link copy
31 : 52

قُلۡ تَرَبَّصُواْ فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُتَرَبِّصِينَ

31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca). info
التفاسير: |