Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አጥ ጡር   አንቀጽ:
أَفَسِحۡرٌ هَٰذَآ أَمۡ أَنتُمۡ لَا تُبۡصِرُونَ
15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱصۡلَوۡهَا فَٱصۡبِرُوٓاْ أَوۡ لَا تَصۡبِرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَنَعِيمٖ
17. Kuwa ka dhowrsada xumaha6 waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).
6. Sida shirkiga, dilka, zinada, ribada, xasadka, xatooyada, sixirka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ وَوَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
19. (Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٖ مَّصۡفُوفَةٖۖ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ
20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱتَّبَعَتۡهُمۡ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلۡحَقۡنَا بِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَمَآ أَلَتۡنَٰهُم مِّنۡ عَمَلِهِم مِّن شَيۡءٖۚ كُلُّ ٱمۡرِيِٕۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٞ
21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَمۡدَدۡنَٰهُم بِفَٰكِهَةٖ وَلَحۡمٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ
22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأۡسٗا لَّا لَغۡوٞ فِيهَا وَلَا تَأۡثِيمٞ
23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ غِلۡمَانٞ لَّهُمۡ كَأَنَّهُمۡ لُؤۡلُؤٞ مَّكۡنُونٞ
24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا قَبۡلُ فِيٓ أَهۡلِنَا مُشۡفِقِينَ
26. Waxay odhan: Waxaan ka hor (intaan adduunka joognay)ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada(cadaabka Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ
27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلُ نَدۡعُوهُۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡبَرُّ ٱلرَّحِيمُ
28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Baarriga, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَذَكِّرۡ فَمَآ أَنتَ بِنِعۡمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٖ وَلَا مَجۡنُونٍ
29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يَقُولُونَ شَاعِرٞ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيۡبَ ٱلۡمَنُونِ
30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman7.
7. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ تَرَبَّصُواْ فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُتَرَبِّصِينَ
31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አጥ ጡር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት