Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አጥ ጡር   አንቀጽ:
أَمۡ تَأۡمُرُهُمۡ أَحۡلَٰمُهُم بِهَٰذَآۚ أَمۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥۚ بَل لَّا يُؤۡمِنُونَ
33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلۡيَأۡتُواْ بِحَدِيثٖ مِّثۡلِهِۦٓ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ
35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمۡ هُمُ ٱلۡمُصَۜيۡطِرُونَ
37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَهُمۡ سُلَّمٞ يَسۡتَمِعُونَ فِيهِۖ فَلۡيَأۡتِ مُسۡتَمِعُهُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَهُ ٱلۡبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلۡبَنُونَ
39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ يُرِيدُونَ كَيۡدٗاۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هُمُ ٱلۡمَكِيدُونَ
42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ لَهُمۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Xurmoo dhan waxaa iska leh Alle oo ka hufan waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يَرَوۡاْ كِسۡفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطٗا يَقُولُواْ سَحَابٞ مَّرۡكُومٞ
44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya8 waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).
8. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Alle, sida ay dalbadeen ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَذَرۡهُمۡ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي فِيهِ يُصۡعَقُونَ
45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي عَنۡهُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ عَذَابٗا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
47. Waxayna xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi9) badankooduse ma ay oga.
9. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin, iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعۡيُنِنَاۖ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَإِدۡبَٰرَ ٱلنُّجُومِ
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አጥ ጡር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት